Xageebay Maraysaa Siyaasada Gobolka Gabiley, Maxaase Uga Hagaagi Doona Wasiirada Ka Soo Jeeda Gobolka Dhaqdhaqaaqyada ay Wakhtigan Kawadaan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xageebay Maraysaa Siyaasada Gobolka Gabiley, Maxaase Uga Hagaagi Doona Wasiirada Ka Soo Jeeda Gobolka Dhaqdhaqaaqyada ay Wakhtigan Kawadaan,
November 7, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Wafti wasiiro ah oo uu Hogaaminayay Wasiirka Maaliyadu Oo Maanta safar ku tagay magaalada gabiley oo u jeedada safarkooda iyo waxyaalaha ay kala soo caraabeen

Wafti wasiiro ah ayaa maanta galinkii danbe safar aan hore loosii shaacin ku tagay magaalada gabiley safarka oo u jeedadiisu ahayd sidii bulshada reer gabiley loogu qanci lahaa in ay marlabaad taageeran xusbiga kulmiye iyo xukuumadiisa

koox wasiiro ah gabiley

Waftigan oo kakoobnaa wasiirka arimaha dibada wasiirka maaliyada wasiirka ganacsiga wasiirka warshadaha

Qorshaha waftigam ayaa ahaa in ay la kulmaan madaxdhaqameedka gobolka oo xukuumda siilanyo meel adag iska taagay cadeeyay in xukuumada tahay mid wakhtigeedii dhamaaday gabileyna aan waxba u ool

Kulankan ayaa noqday mid aan dhicin iyadoo wararku tibaaxeen in madaxdhaqameedku ka cudurdaarteen kulanka iyagoo ku tilmamay in aan xiligan reer gabiley diyaar u ahayn taageero xukuumada siilaanyo

 

 

Tan iyo intii ka dambeysay amar adag oo Madaxweyne

Siilaanyo Kusoo rogay Golihiisa Wasiirada Shirkii ugu dambeeyay, ee

Golaha ee khamiislaha ahaa taas oo Madaxwene Siilaanyo ku dirqiyay in

ay soo xera galiyaan Xubnaha Golaha Wasiiradu beelaha ay kasoo jeedaan

ayaa, waxa caqabad adagi ka taagan tahey dhinaca Gobolka Gabiley oo

odoyaasha iyo Duqeyda kasoo jeedaa ay meel adag iska taageen Guud

ahaanba Siyaasada marxaladan lagudo jiro iyo hogaanka Xukuumada

Madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay waxba kasoo rayn waayeen in ay

kasii darto mooyee Arimo badan oo ay ka tabaneen Xukuumada.

Odhaah Soomaaliyeed oo inta badan loo Isticmaalo Tusaalaha ugu

dambeeya,ee halka ay xaajadu taagan tahey ayaa aheyd meyd keebaa u

dambeeyay,kaa lasii Sido,Duqeyda Odoyaasha,Madaxdhaqameedka,waxgaradka

iyo Aqoonyhanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley ayaa, iska taagey meel

adag Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaankiisaba kadib markii ay

faro madhan ka joogsadeen balanqaadyo been ah oo Wasiirada kasoo jeeda

Gobolka Gabiley in badan ku sabaaleeynayeen iyagoo,dhinaca kalena aad

uga xumaadey sida loo weydeeyay dhacadadii dilka loogu geystey

Taliyihii Abaanduulaha u ahaa Gt 17aad ee Ciidanka Qaranka ee lagu

dilay Qorilugud,arintaas oo ay ka aamuseen afkana ka xidheen Wasiiro

kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo ay Duqeyda iyo Madaxdhaqameedka Gobolku

qaarkood si badheedh ah u taageereen xiligii lagu muransanaa Siyaasada

Xisbiga Kulmiye dhexdeeda taas oo wakhtigan u muuqata biyo col

dhaanshety maadaama, aanay arimaha Gobolka Gabiley kala soo

gudboonaada dhinaca Xukuumada marnaba wax ka tareyn taageerada

Bilaashka ah ee ay duqeydoodu la daba joogsadaan raga qaarkii

wakhtiyada iyaga loo baahan yahey haseyeeshee, aan far cidieed la

iskaga tirin sikasta oo ay wax u dhacaan waxaana guud ahaanba

Dadweynaha Reer Gabiley aad ulawada fajacsan yihiin Wakhtigan xaadirka

ah talaabooyinka Xukuumadu ka qaadatey xukunka lagu fuliyay ragii ku

lugta lahaa Dilkii Sarkaal Maxamed Yuusuf Aw Rabaax ee ka dhacay

Qorilugud,iyadoo ragna lagu dalacsiiyay qaarna Kooras loogu direy

dalka Itoobiya, waxa ay ciidamada iyo dadka kasoo jeeda Gobolka

Gabiley u arkeen talaabadaasi mid xiliga Xukuumadani isabadel weyni

kuyimid Siyaasada Ciidanka Qaranka lagu hogaamiyo iyo istiraatijiyadao

kale,iyadoo dhanka kalena Siweyn loo dareemay hadaladii quudhsiga

ahaa, ee Wasiir Cadami ku cambaareynayay Madaxdhaqameedka Reer Gabiley

kuwaas oo uu Wasaarad walba la galey, waxaana laga Xasuustaa

hadaladiisa ‘dad aan hore loo aqoon ayaa Dowlada u hanjabaya oo

odhanaya Ciidanka ayaanu badhkayaga kala baxeynaa’ jawaabtiisu

dhinacyo badan ayay noqon kartaa laakiin Wasiir Cadami aqoona uma laha

in Reer Gabiley door adag ku lahaayeen Qarameyntii Ciidamada Qaranka

Somaliland,mana jiraan Wasiiro buddhig adag leh jawaabtiisa ka marin

kara odhaahaha uu la hortagey Wasaarada Arimaha Gudaha iyo kuwa kale

ee Madaxtooyadu kamid tahey.

Sikastaba ha ahaatee,waxa ay wakhtigan dad badani isweydiinayaan ma

usuurta gali doontaa, inWasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis

Muxumed Samaale mar kale sida xaynta u dareersado odoyaasha iyo

Madaxdhaqameedka Reer Gabiley isagoo ku wasteynaya xaal mastuur af

macaan, iyo uur daban, mise sutida ayay u qaban doonaan inta ay

fikirkooda ku cabiraan aragti fog iyo si aan Mowqifkooda lagu badeli

karin hantida umada ee ay xaqa u leeyihiin

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS