Wax Ka Baro Taariikh-faneedka Fanaankii Weynaa Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic) Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa Q.2-Aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax Ka Baro Taariikh-faneedka Fanaankii Weynaa Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic) Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa Q.2-Aad
November 12, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waxaan ka cudur-daaranayaa dibu-dhac ku yimi qormooyinkan, maadaama qormadii 1-aad aan Labo todobaad ka hor soo gudbiyey, kuwa xigana aan u qoondeeyey, maalmihii xigay, balse aan la daahay, hawlo ila soo darsay dartood. Waana tan qormadii Labaad.

Al-Fanaan Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic) oo fanka ku cusub, heestiisii ugu horreysayna ay noqotay mid si weyn u dhex-qaadday bulshada, ayaa gugii 1972-kii uu ka qayb-galay barnaamij ay Radio Hargeysa ku tartansiin jirtay fanaaniinta oo la odhan jiray Heesaha Hirgalay.

Barnaamijkaasi oo uu daadihin jiray suxufiga ruug-caddaaga ah Idiris Cigaal, ayuu C/laahi-Wigic kaga qayb-galay Labo heesood oo laxanka iyo codkaba uu isagu saaray, halka midhahana uu curiyey Abwaan Maxamed Cabdi Wayrax.

wigic Pic

Sida ay taariikhdu qorayso, tartankaasi waxa uu ahaa mid adag oo socday in muddo ah, waxaanu maray dhawr wareeg oo lagu kala reebayey fanaaniinta. Wareeggii u dambeeyeyna waxaa kaalinta Koowaad ku guulaystay Al-Fanaan Cabdilaahi-Wigic (IHUN).

Fanaaniintii tartankaasi ka qayb-gashay haddii aan qaarkood xuso waxaa ka mida fanaanka weyn ee Maxamed Faarax Xirsi oo Ilaahay caafimaad sariicana ha siiyee beryahanba bukaan-jiif ku ahaa magaalada Hargeysa iyo Fanaanka kale ee caanka ah Cabdi Muxumed Magan (Cabdi-Falaash).

Mar aan dhawaan la kulmay Cabdi-Falaash isla markaana wax ka waydiiyey taariikhdii Wigic waxa uu ii sheegay inuu ahaa fanaan qiimo weyn ugu fadhiyey fanka. Isagoo intaa ii raaciyey in tartankaasi heesaha hir-galay een horey u soo sheegayna uu kaalinta Koowaad u galay.

Labada heesood ee Al-Fanaan Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic) uu tartankaasi kaga qayb-galay oo ah kuwo aan kala dhicin isla markaana safka hore kaga jira heesaha aadka loo jecelyahay ee aan duugoobin, ayaa haddii aan mid ka mida wax ka xuso midhaheedii ay ahaayeen sidan:

Quruxdaba Ilaahay

 

Dadka wuu u qaybshee

 

Qarnigeenan kuma arag

 

Ruuxaan kugu qiyaasee

 

Qotonkiyo hanaankiyo

 

Sunnayaasha qalinkaa

 

Dhexda labada qaariyo

 

Qoortiyo cabaadhyaha

 

Qodob lagaama dhaafine

 

Qacda waaga nuurkiyo

 

Qorax soo iftiintaay.

 

Qadraay aragtidaadii

 

Jacaylkii I qoomaa

 

Qalayoo halbawlaha

 

Dhiigga iga qubaayee.

 

Gugii 1973-kii, waxa uu Wigic curiyey isla markaana laxanka iyo codkaba uu saaray hees caan noqotay oo magaceeda la yidhaa Xidinxiid. Taasoo uu fanaanku ii sheegay inuu u sameeyey gabadh uu jeclaa, isla markaana uu shimbirka xidinxiidka kaga codsaday inuu farriin jacayl ah ka gaadhsiiyo gabadhaasi.

 

Heestan oo iyaduna ku biirtay heesaha aanu dhammaanin xiisahoodu, ayay taariikhdu sheegaysaa in xilliyadii ay cusbayd-na aad loo jeclaa oo aanay ka bixi jirin dalabaadka. Waxaana erayadeeda haddii aynu wax ka xusno ka mida:

 

Xidinxiidka lalayoow

 

Xayawaanka duulllaad

 

Xikmad ugu horraysaa

 

Xejjiyoo farriintaydan

 

Adigoon xagnaba dayin

 

Xagashaa ku qaadoo

 

Xasna kula hagaagoo

 

Iyadoo xidhxidhan sii

 

Haddii kale xujjaad tahay

 

Tan iyo xisaabtii

 

Xukun Eebbe mooyee

 

Xaajadii laguu diro

 

Adigaa xurmeeyee

 

Xabbadkaa rumaad geeyoo

 

Xabaashuu dul-yaallaa

 

Aduu kuu xannibanyee…

 

Markii ay heestani soo baxday, isla markaana ay noqotay mid si weyn ugu faaftay gayiga soomaalida, ayaa waxaa xusid mudan ooo taariikhdu sheegaysaa inuu maagay isla markaana hees ku liddiya uu tiriyey abwaan magaciisu ahaa Cabdi Sheekh Muumin.

 

Liishaanka abwaanku ma uu saarnayn oo kaliya heesta xidinxiid ee Wigic, balse wuxuu gaadhaanka u daruuray dhammaan heesihii abwaannada iyo fannaaniintu ay Shimbiraha ama bahda baalallayda kula hadlayeen, farriimahoodana ugu aamineen.

 

Maadaama abwaanku uu duray heesihii baallalayda, ayuu farriintiisii u dhiibtay kuna aaminay Daad qulqulaaya oo kasoo bilaabmay deggaan la yidhaa Daakhato oo ka tirsan Kililka 5-aad ee Itoobiya. Waxaana heestaasi qaada oo ku luuqeeya fanaanka caanka ah ee Xasan Aaden Samatar.

 

 

La Soco Qaybaha Dambe…….

 

 

Qalinkii Cabdisalaam-Abuhurayra

 

salaanmuctasim@hotmail.com

 

abuhurayra@hadhwanaag.org

 

Hargeisa, Somaliland.

COMMENTS
LINKS