Wasiirka Cilmi-baadhista oo Sharraxay Ujeeddada Daraasad ay ku samaynayaan Gaadiidka dawladda iyo kharashka ku baxa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Cilmi-baadhista oo Sharraxay Ujeeddada Daraasad ay ku samaynayaan Gaadiidka dawladda iyo kharashka ku baxa
November 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa, -(Wajaalenews)- Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Somaliland, ayaa bilawday Daraasad lagu eegayo tirada Gaadiidka Dawladdu adeegsato iyo Kharashaadka ku baxa. Wasaaradda ayaa koox samaynaysa Cilmi-baadhista u xilsaartay, kuwaasoo maalmaha soo socda tiro-koobi doona gaadiidka Hay’addaha dawladdu isticmaasho ee Caasimadda.

CALI XAAMUDWasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay In muhiimadda Cilmi-baadhistani tahay sidii loo ogaan lahaa Xaddiga lacageed ee Gaadiidka dawladda ku baxa, qaybta ay ka qaataan Saxmadda iyo Cidhiidhiga jidadka iyo in la helo Dariiqyo ka sahlan oo lagu dhimo dhaqaalaha ku baxaya.

“Cilmi Baadhistan aannu maanta (shalay) bilawnay waxay leedahay saddex u jeeddo, Kow waa Inaynu Ogaanno tirada Gaadiidka dawladdu Isticmaasho, Basaska ha ahaato, ha ahaato Gaadiidka yaryar ee ay ku yimaaddaan, ha ahaato Baabuurta dawladda ee GT-da ah ee Hay’adaha dawladdu Caasimadda ku isticmaalaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhistu intaas ku daray oo uu yidhi; “Arrinta labaad oo ah inaynu ogaanno Gaadiidkan badan ee dawladdu isticmaalayso qiimaha ay innagu taagan yihiin, sida Shidaalka, Darawallada wada iyo guud ahaan qiimaha ay innagu taagan yihiin iyo sida ay Saamayn ugu leeyihiin Samxadda iyo Cidhiidhiga jidadka iyo Xaddiga ay ku darsadaan Wasakhaynta hawada.”

“Arrinta Saddexaad, waxa weeye Najiida ka soo baxda Baadhistan inay noqoto Xaaladda iyo talooyinka laga bixinayo oo dawladda la yidhaahdo tallaabadan tanaa ka fiican, tusaale ahaan haddii Shidaalka Baabuurta, Soo iibintooda iyo kharashaadkoodu uu Malaayiin ku kaco oo aynu helno hannaan kale oo ka sahlan oo Baabuurta Basaska ahi Shaqaalaha soo wada guraan qaabkaasina ku kaco 5 Boqol, dee Lacagtaas dheeriga ah meel ka habboon ayaynu ku buuxinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil.

Daraasaddan uu sheegay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhistu, ayaa noqonaysa haddii ay u hirgesho sida uu Wasiirku sheegay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee wax lagaga ogaanayo Gaadiidka dawladda Somaliland iyo Kharashka wax ku baxa, iyadoo sidoo kale haddii natiijadeedu noqoto sida uu Wasiirku sheegay noqon doonta mid waxtar u yeelata dadka, dawladda iyo dalka-ba.

COMMENTS
LINKS