Wasiiradda Waxbarashada Somaliland Oo Ku Guul-daraysatay Wax-ka-qabashada Dugsiyadii Sare Ee Dawladda Oo Qarka U Saaran In Ay Xidhmaan. WAR-BIXIN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiradda Waxbarashada Somaliland Oo Ku Guul-daraysatay Wax-ka-qabashada Dugsiyadii Sare Ee Dawladda Oo Qarka U Saaran In Ay Xidhmaan. WAR-BIXIN
November 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa-(Wajaalenews)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Taclliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ku fashilantay kunna guul-daraysatay gebi ahaanba in ay si buuxda oo rasmi ah wax uga qabato sumcad xumada baahsan ee ragaadisay sumcadii iyo aaminkii waxbarasho ee ardaydda sannad walba ka baxda dugsiyada dhexe ee dalka ee u gudbaya dugsuyada sare ay ku qabeen Dugsiyadda sare ee ay dawladu maamusho iyaga oo si weyn uga door bidda in ay galaan dugsiyadda sare ee gaarka loo leeyahay ee u diiwaan-gashan Wasaarada Waxbarashada iyo Taclliinta sare ee Somaliland.

Weji gabaxa ugu weyn ee ay masuuliyadeeda dayacday Wasaaraddda Waxbarashadda Iyo Taclliinta sare, ee sannadkan aynu ku jirnno ku habsaday Dugsuyadda sare ee ay dawladdu maamushaa waxa weeye in 90% dhammaan ardaydii sannad ka baxday Dugsiyada dhexe ee dalka gaar ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay wada galeen Dugsiyadda sare ee gaarka loo leeyahay, taas oo sababtay in Dugsyadii sare ee ay dawladu maamulaysay ay haawanayaan oo aanay sannadkan helin tiradii ardaydii loo baahnaa ee ka soo baxday Dugsiyada dhexe ee geli lahayd Dugsiyada sare ee dawladda,

Dugsuyadda sare ee ay dawladdu maamusho ee ku yaala magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qarka u saaran in ay allbaabadu xidhmaan maadaama la waayay ardaydii ka soo baxday fasalada Siddeedaad ee dugsiyada dhexe ee fasaladda koowaad ee dugsiga sare ka bilaabi lahayd Iskuulladda Sare ee Dawladda, iyada oo ay ardayda ka baxda fasaladda Sideedaad ay magacyadooda ka sii diiwaan geliyaan dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ka hor inta aan laguba dhawaaqin natiijadda imtaxaanaadka.

 

Dugsuyadda sare ee ay dawladdu maamusho ee ku yaalla magaalada Hargeysa, baddiba helin ardayda gelaysa Fasaladda koowaad ee dugsiyada sare, hadaynu tusaale u soo qaadano Dugsiyadda sare ee dawladda ee Hargeysa ku yaala, dugsiga u badan ee ee sannadkan helay ardayda waxa ugu horeeya Dugsiga sare ee 26 June, oo sannadkan helay arday tiradeedu gaadhayso Saddex Fassal oo kaliya, halka Dugsiga Labaad-na uu yahay Dugsiga sare ee Dayib Guray, oo helay arday tiradoodu gaadhayso Laba Fasal, halka Dugsuyada sare ee kale ee ku yaala Hargeysa, ay ka heleen arday aanay tiradoodu gaadhayso ama ka yar tahay Hal Fasal oo kaliya.

 

Hadaba, mar aanu wax ka weydiinay sababaha dhaliyay arrintan dadka sida weyn isha uga haya isbadalada Waxbarashada Somaliland, waxa ay tibaaxeen in sababtu ay tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclliinta sare ee Somaliland oo u sabab ah sumacad xumadda ku timi dugsiyaddii sare ee ay dawladdu maamusho, kaddib markii ay mudnaanta siisay dugsiyada gaarka loo leeyahay, oo la sheegay in ardaydda dhigataa ay kaalmaha ugu horeeya ka galaan imtaxaanadda Fasaladda Siddeedaad ee dugsiyada dhexe, taas oo sababtay in ay ardayddu u kala baratamaan hadba dugsiyada gaarka loo leeyahay ee safka hore ka gala imtaxaanadda iyaga oo heerka aqoonta waxbarasho ee dugsiyadan ka door bidda kuwii dawlada ee ay geli lahaayeen.

 

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Taclliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka war heshay arrintani ay u ballan qaaday in ay si degdeg ah wax uga qaban doonto arrintan, balse, ay Wasiiraddu ku guul-daraysatay in ay ka midho dhaliso kormeer kooban oo markii ay arrintani soo if baxday ay ku samaysay dugsiyada dawlada, balse, aaanay sidii la rabay wax uga qaban arrintan.

Mar aanu isku daynay in aany Wasiiradda khadka Telefoonka kula xidhiidhno si aanu wax uga weydiino arrimahan ayaan noo suurta gelin kaddib markii ay qaban wayday Telefoonkeedii gacanta.

KALA SOCO SHABAKADDA WARARKA EE HADHWANAGNEWS, QEYBAHA KALE OO WARBIXINTAN KU SAABSAN OO TAXANNE AH

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

himilo_10@yahoo.com

TEL 00252 633538833

xigasho: Hadhwanaagnews

COMMENTS
LINKS