Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Faahfaahisay Sababaha Keenay In Guryaha Dawladda Xilligan La Xaraasho, Dadkii Ku Jireyna Xoog Loogaga Saaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Faahfaahisay Sababaha Keenay In Guryaha Dawladda Xilligan La Xaraasho, Dadkii Ku Jireyna Xoog Loogaga Saaro
November 10, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews);Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Markii ugu horraysya Ka Hadlay Iibka Xukuumaddu ku Bilowday Guryo Dan guud ahaa oo Dad shacab ahi hore ugu jiri jireen.

wasiir khaliif-axmed

khaliif axmedWasiir Cabdirisaaq oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlay Xarunta Wasaaradda Duulista Hawada oo uu xaflad kaga qaybgelayey, ayaa xusay inay xukuumaddu xaq u leedahay Iibka Guryaheeda, isla-markaana sifo sharci ah loo mari doono iibkooda, waxana uu ku adkaystay inay tahay talo iyo Go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Wasiir Cabdirisaaq Khaliif waxa uu si cad u qeexay In Iibinta, Kiraynta, Hibaynta iyo Ku takri falka Guryahaasi ay tahay Hawl xukuumadda u taalla oo sharcigu u ogol yahay, isla-markaana aanay jirin cad kale oo ka Hadli kartaa,

“Maalmahan waxa Dareenka Dadka aad ugu badnayd Guryo la Iibiyey, waxase aan doonayaa inaan caddeeyo in iibinta Guryahaasi aanay wax la qarinayo ahayn ee ay tahay xaq darstuuri ah, cidda xaq u leh dhulkaas maaamulkeeda haddii ay ahaanayso in loo kaydiyo qaranka, haddii ay noqonayso khayraadkii dalkay ka mid tahee in la iibiyo, iyo Hadii ay Noqonayso cid ku haboon in lasiiyo oo la Hibeeyo cidda awoodaas iyo xilkaas iska lihi waa xukuumaddaas xilka Haysa qarina mayno ooo la dhuuman mayno.”ayuu Yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Iibinta Guryahaasi ay ku timi soo jeedin madaxweyne oo salka ku Haysa in loo beddelo qaab qaranka faa’iido u ah, maadaama haatan Aqalllada dadka shacabka ahi ku jiraan aanay xukuumadda iyo Guryaha midna faa’iido badani kasoo gelin, waxana uu yidhi,

“Guryaha la iibinayey waxa Madaxweynuhu soo jeediyey in maadaama Gurhiyii iyo dhulkii ay dawladdu lahayd sidii ay ahaayeen aan looga Faa’iidaysan muddo bandanna ay gacanta shacabka ku jireen qodobo la isla qaatay oo khudbad-sanadeedkii 2013-kii uu Madaxweynuhu ku daray Baa Jirtey, kuwaas ahaa in Guryahaas Hantidaa dawladda La iibin doono loogana Faa’iidaysan doono qaab ay kaga faa’iido badan yihiin sida ay Hadda Yihiin.”

Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku adkaystay in Guddi loo saaray sidii Aqallada Dawladda Loo Iibin lahaa ay Isla Garteen in Ugu horrayn la Iibiyo Tiro kamid ah Guryahaas oo dad shacab ahi ku jireen, waxana uu xusay in Guddidaasi kulamo la yeelatay dadkii Guryahaas ku jirey, isla-markaana ay u sheegeen in xukuumaddu dhulkeeda u Baahan tahay haddii ay diyaar yihiinna iyaga mudnaanta Iibka la siin doono,

 

“iyadoo Muwaadiniinta aynu u tudhayno xaqna ay u leeyihiin inay ku noolaadaan, waxa ahayd Go’aan madaxweyne waxana aanu Bilownay Wasaarad ahaan iyo Guddidii loo xilsaaray ee dastuurka iyo xeerka Dhulku siinayey inaanu ka dhigno wajiyo badan oo 14-Guri, oo Guryihii dadka baayac-mushtarka ahi la wareegeen ee gacanta ku Hayeen, runtii Intooda Badanna ay danaynayeen ayaanu ka Bilownay Hawshaas iyada ah inaanu Ka Bilowno waxana aanu Bishii Afraad ee sanadka la kulanay dadkii Guryahaas ku jirey, waxana aanu u sheegnay in Guryihii dawladdu u baahan tahay waxana aanu u raacinay in Guddi madax Bannaan loo diri doono oo ay soo qiimayn doonaan, Intaas kadibna ciddii awood u lihii muhiimad gaar ah iyaga la siin doono Haddii ay Iibsan kari waayaana laga saari doono.”ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray Aqalladaas 14-Guri ah marka laga reebo saddex Guri intoodii kale heshiis ay ku iibsanayaan lala galay dadkii ku jirey, halka saddexdii kalena Ciidanku la wareegeen.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS