Warsaxaafadeed: ururka dhalinyarada subeer awal ee jiidali-norway waxa uu cambaareeyay xadhiga gudoomiyaha jiidali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed: ururka dhalinyarada subeer awal ee jiidali-norway waxa uu cambaareeyay xadhiga gudoomiyaha jiidali
November 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Ururka dhalinyarada subeer awal ee Jiidali-Norway waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa xadhiga cadaalad darada ah ee mudada 2 todobaad loogu haysto saldhiga dhexe ee Hargeisa gudoomiyihii Jiidali Mudane; C/raxmaan Xasan Aadan .

Waxaanu haayadaha sharciga, kuwa nabad galyada, iyo guud ahaan goloyaasha qaranka ugu baaqaynaa in la ilaaliyo cadaalada iyo wada noolaanshaha iyo nabadgalyada ay Somaliland kusoo caano maashay , sida reeraha kale ee Somaliland ku dhaqan ayay ayay beesha subeer awal xaq uleedahay in aqoonyahankooda, haweenkooda, da’ayrtooduba ka tashan karaan iskuna habayn karaan ururo danaha beesha ka shaqeeya.

Capture17

Hadaba Waxaanu Ugu Baaqaynaa Xukumada Sida Ugu Dhaqso badan Gudoomiye C/raxman Xasan Aadan, Faraha Looga Qaado Loonasoo Celiyo Xoriyadiisii.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Mr C/rixiin Axmed (ilka Case)

GUDIDA FULINTA JIIDALI-NORWAY

COMMENTS
LINKS