|
|||||
WAJAALE NEWS
War saxaafadeed; Ururka Somaliland Child Rights Forum(SOCRIF) Oo War Murtiyeed ka soo Saaray Maalinta 20 ka Nov Dabaal Dago Caruurta Aduunka.
November 24, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Ururka SOCRIF waa urur aan dawli ahayn oo ay ku bahoobeen 25 urur oo caruurta ka shaqeeya, oo ka kala shaqeeya dhamaan gobolada dalku ka kooban yahay. Ururkan waxaa la asaasay 2012 kii waxaana loo aasaay in meel la isugu geeyo warbixinada, iska markaana la sameeyo ololayaal midaysan oo lagu ilaalinayo xuquuqda caruurta iyo in awooda ururada ku bohoobay daladdan isku waydaarsadaan khibradohooga, aqoontooda iyo waaya aragnimadooda. Maalintan 20 ka November oo ah maalinta loo asteeyey inay noqoto maalinta caruurta dunida ayaa looga dabaal dagay dhamaan daafaha dunida oo ay ku jirto Somaliland. Waxa la qaatay in sanadkan halku dhag laga dhigto “Jooji Tacadiyada ka dhanka ah Carruurta” ama afka ingiriisiga loo dhigay “Stop violence against children” oo Somalilanna qaadatay inay sidaa si la mida hal abuurkaa u raacdo. SOCRIF iyo ururada xubnaha ka ahi waxay u taaganyihiin in dhamaan carruurta Somaliland noqdaan kuwa maskax ahaan, jidh ahaan iyo aqoon ahaanba ka dhisan oo ilma kasta oo hooyo dhashay helo xuquuqdiisa aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin, jiritaan, koritaan, ilaalin, iyo in la maqlo codka ilmaha.
SOCRIF waxa ka go’an inuu u adeego do dhamaan xubnaha ku bohoobay isla markaana ururado caruurta iyo cidaha kale ee caruurta la xidhiidha uga caawiyaan jiritaanka, koritaanka, ilaalinta iyo kaqaybqaadasha go’aamada ee khuseeya caruurta. SOCRIF waxay kula dardaarmaysaa dhamaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan in carruurta laga dhawro tacadiyada dhamaan noockasta oo ay yihiin, gaar ahaan kuwa maskaxda(moral ka). Waxaan leenahay ilmuhu waa warqad cad oo wixii lagu qoraa wuu ku oolayaa, waa muraayad oo hadii ay jabto lama kabikaro, waa weel kolba wixii aan ku shubno inoo haynaya ee aan u ilaalino dhamaan xuquuqada diinta islaamku siisay oo ay ugu horeyso inaan ilamaha dhaqankiisa ku ilaalino fidradii uu ku dhashay. Ugu dambayn waxaan caruuta leeahay hambalyo, waxaan idiin rajaynanaa oo aan idinla garab taagannahay inaad gaadhaan, la mid noqotaan oo aad ka saraysaan caruurta kale ee caalamka.
Agaasimaha SOCRIF(Somaliland Child Right Forum) Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|