War Deg Deg Ah:- Gudoomiye Cirro Iyo Xildhibaanada Mucaaridka Ah Oo Awood Ciidan Lagaga Hor Istaagay Inay Gudaha U Galaan Xarunta Golaha Wakiilada . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:- Gudoomiye Cirro Iyo Xildhibaanada Mucaaridka Ah Oo Awood Ciidan Lagaga Hor Istaagay Inay Gudaha U Galaan Xarunta Golaha Wakiilada .
November 15, 2014 - Written by Wariye:

ciroHargeysa(Wajaalenews):-gudoomiyaha golaha wakiilad somaliland cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo mudanayaasha mucaaridka ah ee ka tirsan golaha wakiilada ayaa guud ahaanba laga hor istaagay inay gudaha u galaan fadhiga golaha wakiilada ee maanta.

 Ciidamada RRU-da oo la soo dhoobay xarunta golaha wakiilada ayaa amar lagu siiyey inaanay gudaha u galin xarunta golaha gudoomiye ciro iyo xildhibaanada mucaaridka ah, taas badalkeedana waxa golaha loo ogolaaday inay galaan isla markaana fadhiga furtaan xildhibaanada taabacsan xukuumada iyo gudoomiye ku xigeenada golaha ee ka tirsan xisbiga Kulmiye.

 Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo warbaahinta kula hadlay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa ka dib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo xarunta golaha ayaa sheegay inuu xidhay golaha isla markaana aan la

furi karin.

Xukuumada ayaa u muuqata mid awood ciidan doonaysa inay xilka kaga tuurto shir gudoonka golaha wakiilada, waxaana haatan muuqata talaabooyin ay xukuumadu qaadayso oo sii fogaynaya inay si habsimaya u socdaan hawlaha golaha oo haatan gacanta ku haya arimo muhiim ah oo la xidhiidha doorashooyinka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha fadhiga golaha wakiilada ee maanta kala soco wajaalenews.net

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS