War Deg Deg Ah Fadhigii Golaha Wakiiladda oo furmay, Ajandihii kalfadhiga oo la qaybiyey iyo Ergo Guurtidda ah oo dib u dhigtay laba cisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Fadhigii Golaha Wakiiladda oo furmay, Ajandihii kalfadhiga oo la qaybiyey iyo Ergo Guurtidda ah oo dib u dhigtay laba cisho.
November 15, 2014 - Written by Wariye:

MAANTA IYO GOLAHAHargeysa(Wajaalenews) Fadhigii Golaha Wakiiladda oo uu shirguddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa dib loo dhigay muddo laba cisho ah kadib markii ay odayaasha Golaha Guurtiddu ka codsadeen in loo hakiyo si ay dhex dhexaadin uga galaan khilaafka ka aloosan Golaha.

golahaSadex iyo afartan mudane ayaa saaka ka soo xaadiray furitaanka Kalfadhiga Golaha, kaasoo uu hadheeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ay xildhibaanada Muxaafadka ahi ku wadaan Guddoomiye Cirro, waxaana loo qaybiyey Ajandaha kalfadhiga oo ay soo diyaariyeen guddoomiye ku-xigeenada Golahaasi.

Saleebaan Maxamud Aadan iyo X Cabdi Waraabe oo hogaaminaya odayaasha Aqalka Guurtidda ayaa labada Guddoomiye ku-xigeen iyo mudanayaasha ka codsaday in laba cisho la hakiyo fadhiga golaha, iyagoo xildhibaanada usoo jeediyey in aanu mooshinku dalka ka abuurin xasilooni darro, kaasoo iyana ay dhankooda aqbaleen soo jeedintooda.

Baashe Maxamed Faarax ayaa ku wargeliyey mudanayaasha in ay labada cisho fasax galaan kadibna la isku soo noqdo salaasada, sidaana waxa ku xidhmay fadhigii Golaha ee saaka furmay.

Guddoomiye Cirro ayaa saaka isaga noqday Golaha isagoo shir jaraa’id ku sheegay in uu Goluhu xidhan yahay hase yeeshee ku-xigeenada Golahaasi ayaan u

COMMENTS
LINKS