|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Maanta Dalka Soo Gaadhay
November 29, 2014 - Written by Editor:Wasiirada Wasaaradaha Diintiyo Awqaafat,Arimaha Gudaha,Warfaafinta ,Xidhiidhka Golayaasha Ayaa Maana Si Diiran Ugu Soo
Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirada Wasaaradaha Diintiyo Awqaafat,Arimaha Gudaha,Warfaafinta ,Xidhiidhka Golayaasha Ayaa Maana Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Ee Magaalada Hargeysa Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Wasiirka Diinta Iyo Dhaqanka Ee Dalka Jabuuti. Waftigan Waxa Wasiirka Ku Wehelinayay La Taliyaha Madaxweynaha Dalka Jabuuti La Taliyaha Gaarka Ah Ee Wasiirka,Safiirka Jabuuti U Fadhiyi Doona Magaalada Hargeysa . Ugu Horayn Wax Halkaa Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Diintiyo Awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil C/Laahi Waxanu Yidhi “Maanat Halkan Waxaan Ku Soo Dhawaynaynaa Wasiirka Diintiyo Dhaqanka Ee Jabuuti Iyo Waftigan Uu Hor Kacaayo,Waxaan Si Gaara Uga Mahad Celinaynaa Madaxweynaha Jabuuti Oo Aan Ka Codsanay In Ay Nagala Soo Qayb Galaan Masuuliyiintan Madal Lugu Xananayin Doono Agoomaha Oo Aanu Bari Furayno. Waxa Isna Geestiisa Halkaa Ka Hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade Waxuna Yidhi “Siday Sheegeen Wasiiradii Iga Horeeyay Waxaan Si Kal Iyo Lab U Soo Dhawaynayaa Masuuliyiintan Inooga Soo Kicitimay Dalka Jabuuti Oo Aynu Jaar Nahay,Jabuuti Waa Dal Aan Aad Saxiibo U Nahay Waxaan Aan Ku Faraxsanahay In Ay Inagala Soo Qayb Galaan Mashruuca Xadhiga Laga Jarayo Maalinta Bari. Waxa Geetooda Halkaa Ka Hadlay Wasiirada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Warfaafinta Somaliland Oo Iyagu Sheegay In Ay Si Kal Iyo Lab Ah Dhankooga Ku Soo Dhawynayaan Waftigan . Gabagabadii Wax Halkaa Ka Hadlay Wasiirka Diintiyo Dhaqanka Ee Dalka Jabuuti “Waxaan Ku Faraxsanahay In Aan Si Nabada Ku Nimi Dalka Aan Jaarka Nahay Ee Somaliland Runtii Somaliland Waa Dal Aanu Aad Isugu Dheernay Waxaan U Mahad Celinayaa Wasiirada Sida Qiimaha Badan Nugu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa Ayuu Ku Soo Gabagabeeyay Wasiirku Hadalkiisa .
Related posts:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Maanta Dhaariyay Xubnaha Guddida Qaran Ee Mihnadaha Caafimaad... Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jsl Oo Digniin Adag u Diray Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, Soona Jeediy... Xil.Axmd-Yaasiin Oo Sheegay In 8 Dal Oo Xilligii Rayaale Baasaboorka Somaliland Fiisaha Ku Bixin Jir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|