|
|||||
WAJAALE NEWS
Tolkayoow Waxaan Idin Xasuusinayaa in Cimriga Xisbiga Kulmiye ku Eeg Yahay Shanta Sane ee soo socota ‘ xildhibaan siciid cilmi
November 19, 2014 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu u quudhi waayay siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ku jirta ee uu damacu kaga jiro in ay iska soo sharaxaan xisbigaasi in uu ku taageero. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu walaac ka qabo in uu mar kale isu soo taago doorashada Madaxtinimada, xubnaha hanka leh ee ku jira xisbigaasina ku sifeeyay kuwo dhaaminaya Foosto Daloosha. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi “ “Waxaan Aad iyo Aad uga Xumay,Jah-wareerka Uu Shacabkii Reer somaliland ku Ridayo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu,waxa ilaa Maantana La-layahay Musharaxii Madaxwayne Ee Xisbiga kulmiye,Waxaana Muuqata Rag badan oo Naawilaayay in ay iska sharaxaan xisbigaasi ay la-yihiin Jidkii ay u mari Lahaayeen in ay muujiyaan Hankood. waxayna shacabiga usoo Bandhig Kari wayeen Xaqiiqda muuqata oo ah in Madaxwaynaha Walaac kaga jiro Musharaxnimadiisa danbe,Afkana waa laga dhawrayaa Madaxwaynahuna Mushara Maaha,Una Quudhi Maayo ragii shalayto Dhisay inuu Maantana Dhiso Madaxwayne Siilaanyo. Xildhibaan-Siciid-Cilmi-Rooble.jpgDhaxalkuna waa Dariiqii Udub inuu kulmiye ku danbeeyo waxaan Arkayaa Iyada oo Marba nin loo dhiibayo Foosto Labada Dhinacba ka daloosha oo la leeyahay adigaa musharax Noqonaya,Waxaan Tolkay leeyahay,Tolkayoo Cadka Marba Dhariga laga soo saarayo ee Hadan lagu Celinayo Waxa uu u muuqdaa walacsi iyo waxaan la lahayn ee kala bad-baadasha Nafihiin. Tolkayoow waxaan idin Xasuusinayaa in Cimriga Xisbiga Kulmiye ku eeg yahay Shanta Sane ee soo socota,waa hadii uu suu jiraba,Ta kasii danbaysana Musharax nimada Madaxwaynaha Waxa ka soo Hor Maraysa Furitaankii ururada hadii eebo idmo. Waxaan arkayaa Jidka aan hada anigu qaaday inuu yahay kii qaranka Jamuuriyada Somaliland iyo Anaguba Ku faa’idi Lahayn. Related posts:Daawo:-Ciidanka Traffic ga Oo Gagaal Dhaxmaray Mid Kamid Ah Dirawaliinta Baabuurta Ee Hargeisa. Dawlada jabuuti oo sheegtay in ay wali jawaab ka sugayso Itoobiya ee dalabkii dekeda ay ugu yaboohd... Marwada Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo La Ciiday Caruurta Baahiyaha Gaarka Ah Ee Magaalada Boor... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|