Tahriibayaal Ku Dhintay Doon Ka Baxday Badweynta Turkiga iyo Giriigga u dhexaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tahriibayaal Ku Dhintay Doon Ka Baxday Badweynta Turkiga iyo Giriigga u dhexaysa
November 3, 2014 - Written by Editor:

IStanbul:(Wajaalenews)-Wararka laga Helay dalka Turkiga, ayaa sheegaya in Doon ay saarnaayee Qaxooti soomaali u badani ay ku degtay Xeebta u dhaxaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Dooniddan, ayaa la sheegayaa in dadka ku dhintay tiradoodu gaadhayso ugu yaraan 24-qof, balse si rasmi ah looma xaqiijin meelaha kasoo kala jeedaan.

Ciidamada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 7 qof kadib markii doontu ay ku degtay Isniintii Badda Madow gaar ahaan Gacanka Mosphorus.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sii wada baadi-goobka rakaabka doonta waxayna adeegsanayaan doonyo iyo helikobtarro.

Ma cadda sababta keentay in doontu degto iyo tirada saxda ah ee dadka saarnaa, walise wararku waa isa soo tarayaan.

Turkey-ga, ayaa waayadan dambe waddo u noqday Kumanaan tahriibayaal ah oo beegsanay yurubta Galbeed, waxana mararka qaarkood dhacda inay geeri badani dhacdo.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS