Tacadi iyo Dulmi Shaqaale Baahsan Oo Ka Jira Wasaarada Warfaafinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tacadi iyo Dulmi Shaqaale Baahsan Oo Ka Jira Wasaarada Warfaafinta Somaliland
November 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Xogo hoose oo ay Warbaahintu heshay ayaa waxa ay daaha ka qaadeen tacadi iyo dulmi baahsan oo lagu hayo qaar kamida xubnaha ugu muhiimsan hawlwadeenada farsamo ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland taas oo xaaladooda nololeed ay hadeer marayso meel aad u liidata

Xubnaha tacadigan lagu hayo ayaa waxa kamida Madaxa Mishiinada iyo Laydhka ee Wasaarada Warfaafinta S/land Eng.Jaamac Kale Saajin oo mudo dheer ka tirsanaa shaqaalaha ruugcadaaga ah ee ka hawlgala wasaarada . Masuulkan oo midadii uu xilka Madaxa Mishiinada iyo Laydhka ahaa ay wasaaradu si weyn ugu raysay isla markaa sida ay tilmaameen Masuuliyiin iyo shaqaale ka hawlgala wasaarada oo aanu wax ka waydiinay si hufan u gutay hawshiisa iyo masuuliyadii loo igmaday ee uu Wasaarasa iyo Qarankaba u hayey taasoo aanay dhicin in uu damo ama bakhtiyo laydhka Wasaaradu taasoo muujisay kartida hawl karnimada leh ee Eng.Jaamac Hadaba Masuulkaas aynu xusnay hawl qabadkiisa ayaa halkii uu ka heli lahaa abaal gud iyo dhiirigalin waxa uu bedelkeeda la kulmay dulmi iyo dhibaato baahsan oo ay kula kaceen xubno kamida shaqaalaha Wasaarada oo garab ka haysta Masuuliyiinta sare ee Wasaarada kuwaaso marmar badan mu’aamaraad iyo weeraro gacan ka hadal ah ku qaaday muwaadinkan iyagoo isla markaasina dhaawacyo kasoo gaadhsiiyey Afka oo ay qaybta hoose ee ilka ka daadiyeen ilaa hadana aan cidii ugeysatay wax talaabo ah laga qaadin isla markaana wax magdhaw ah laga siin ,dhinaca kale dhaawacyada loo geystay muwaadinkan ayaa waxa kamida dhaawac culus oo ka gaadhay gacanta midig kaasoo la tolay afar qodob iyo dhaawac kale oo halis ah oo dhawaan isna ay kaga dhufteen kooxahan ka libta haysta maamulka sare ee wasaarada oo isna kaga dhacay isha bidix hoosteeda kaasoo keeni kara in shaqada ishu joogsato. Iskusoo wada duuboo tacadiga iyo dulmigan soo gaadhay muwaadinkan shaqaalaha dawlada ka tirsan isla markaana tiirka muhiimka ah u ah W.Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa waxa uu astaan u yahay tacadiga qarsoon ee ay Masuuliyiinta Xukuumadani ku hayaan bulshada rayidka ah ee ay xilka u hayaan waana arin mudan in la dhiidhiyo oo wax laga qabto waana arin u dhiganta in laga sameeyo mudaharaadkii ka dhacay dalka Tunuusiya ee ka kacay muwaadinkii is gubay ee dalkaaasi u dhashay.

COMMENTS
LINKS