|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Beelweynta Habar-Yoonis Oo Madaxweyne Siilaanyo u Diray Farriin Uu Kaga Soo Horjeedo Mooshinka Ka Dhanka ah Guddoomiye Cirro.
November 14, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) -Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ah Suldaanka Guud ee Beelweynta Habar-yoonis, ayaa qoraal farriin ah oo salka ku Haya aragtidiisa ku aaddan khilaafka Golaha Baarlamaanka waxa uu u diray Madaxweynaha Somaliland. Suldaanka Guud ee Beelahaasi waxa uu muujiyey inaanu ku qanacsanayn Tallaabada La Doonayo in Meesha lagaga saaro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Mooshin ka dhan oo ay wadaan Aqlabiyadda Golahaas oo Madaxtooyada ku xidhani ay doonayaan inay sabtida Golaha Horkeenaan. Warqoraal ah oo Suldaanku ka soo saaray arintan ayuu u diray Madaxweyne Siilaanyo waxaanu u dhignaa sidan:- “Mudane Madaxweyne Salaan ka dib, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa Waraaq furan oo Xambaarsan farriin aan u aragnay inay lagama maarmaan tahay inaan kula socodsiino ama ku soo gaadhsiino,taas oo ku saabsan Shirqoolka Sabtida todobaadka dambe laga wado Golaha Wakiilada 1.Mudane Madaxweyne, waxaynu halkan ku soo gaadhnay wada hadal,iyo in Wixii khilaafa ee ina dhexyimaada lagu dhameeyo wada xaajood,inagoo xasuusan wixii ka dhacay markii la isku dayay in la ismuquuniyo iyo la isku joojin maayo. 2.Mudane Madaxweyne, maanta meeshaynu maraynaa maaha meel u baahan dib u socod ee waa meel u baahan horu-socod,Waxaanan ku xasuusinaynaa Khilaafkii ka dhex dhashay Golaha Wakiiladu wuxuu ka bilaamay laba Kursi oo hoos loo dhigay,halkii uu gaadhayna waad Ogayd iyo halistii uu ina galiyay,iyo waliba doorkii Xukumaddu ku lahayd.waxa kale oo aan ku xasuusinaynaa xalkii Guurtidu ku soo afjartay Khilaafkaas 3.Mudane Madaxweyne,waxaanu nahay Madaxdhaqameed Masuuliyiin ah oo aanay ka qarsoonayn waxa dalka ka socda,waxaana noo muuqda doorka Xukumaddu ku leedahay Khilaafka maanta ka taagan Golaha wakiilada.waxaanan ku leenahay Kurgisa Gudoomiye Cirro kama fududaan doono kamana hawl yaraan doono labadii Kursi ee hoos loo dhigay ee wixii ka dhacay aad Ogayd. 4.Mudane Madaxweyne,waxaanu ku xasuusinaynaa in labada Kursi ee dalka ugu sareeya ee ah Ka Madaxtooyada iyo ka Golaha guurtidu yihiin kuwa leh Go’aanka kama dambeysta ah ee dalka,Arintan maanta taagana Xumaan iyo wanaag loo raaci doono. 5.Mudane Madaxweyne, anagu marnaba kuma qanacsanin Eedaynta Xilka xayuubinta ah, iyo Shirqoolka Xukumaddaadu u maleegayso Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),haddii aan nalaga qancin oo lagu qaado talaabo lagu waxyeelaynayo Gudoomiyaha Wakiilada,wixii halkaas ka dhasha waxaa Eedeeda qaadanaya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Guurtida
6.Mudane Madaxweyne,haddii Gudoomiye Cirro caqabad ku yahay Mudo kordhin loo sameeyo Xukumaddaada iyo habsami u socodka hawlaha Xukumadda,waxaanu ku talinaynaa in si Hufan oo aan turxaan lahayn loo dhamaystiro. Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis ayaan inta Badan ku badnayn Warbaahinta, waxana uu Hadalkiisani kusoo Beegmayaa xilli xaaladda siyaasadeed ee Goluhu kacsan tahay, waxana la dhawrayaa Halka ay ku dambayso Tallaabada la doonayo in Guddoomiye Cirro xilka uu maddada dheer soo hayey lagaga Tukhaantukhiyo.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|