|
|||||
WAJAALE NEWS
Sodhawaynata m/weynaha somaliland iyo agaasimeyaasiisha oo Isu mid ah Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli
November 19, 2014 - Written by Editor:Dawladihii kala dandan beeyay ee soomara Somaliland intii ay jirtay ayaa mid waliba waxa ay lahayd waayaheeda iyo marxaladeheega iyo hab maamuus ugaara oo madaxda dalka xukuntaa haday dhoofayso iyo haday soo dagaysaba lagu maamuuso haday tahay madaxweynahay iyo wasiiradiisa oo socdaalada ay ku tagayaan dalka dibadiisa marka iyo marka ay soo dagayaanba hadii aan soo qaato dawladii tan ka horaysay ee uu hogaaminayay mudane daahir riyaale kaahin marka uu madaxweynuhu uu baxayo waxa sii sagoo tiyi jiray madaxda dalka haday tahay wasiiro iyo xildhibaano xil sugayaal iyo waliba salaadiin haween dhalinyaro run ahaan arintaas oo loo baahnayn ayaa hadan waxa si wayn u canbaarayn jiray dawlada siilaayo markay mucaaridka ay ahayd balse may jirin sida madaxwaynah loo soo dhaweeyo ama uu baxayo agaasimayaal iyo maareeyayaal la soo dhaweeyo nidaamkuna aanu ku qurux badnayn .
Maamulka axmed Maxamed silaayo ayaa dawladiisu waxa ay soo kordhisay nidaam ka duwan dawladihii hore ee somaaliland soo mara taasoo ku ah wadankan dhaqan aad u fool xun oo aan la kala qaranayn in madaxweyne la soo dhawaynayo iyo in wasiir la soo dhawaynayo iyo agaasimemaba hore umay dhicin in agaasime dibada shaqo ugu baxay ama siminaar ugu baxay in madaarka ay kaga hortagaan dad wayne soo dhawaynay iyo salaadiin sida hada jirta bal hada u fiirso hadaad daawato tvga qaranka waxa aad arkaysaa maareeye ama agaasime la soo dhawaynayo oo loo soo uruuriyay dawayne iyo salaadiin sidii madaxwaynaha oo loo soo sameeyay istiikaro sawiradiisu ku xadhan yihiin waxa lagu soo dhawaynayaa qolka nasashada madaarka ee madaxwaynaha lagu soo dhaweeyo waxa marka ay dhoofaan loo soo dhaweeyaa sida madxweynaha waxa ay ka war bixiyaan siyaasad dawlada madaxweyne siilyo oo aan shaqadooda hadaba waxa halkaas ku lunta hantida umada marka la soo dhawaynayo madaxweyne siilaayo ma ka raalibaa inay sidaas yeelaan inamadan yaryar ee uu maamulka u dhiibay inay hantidii qaranka ku lumiyaan soo dhawayntooda oo ay ku daydaan madaxweyne silaayo oo ah isaga ka ugu sareeya xukuumadiisa waan baratakool xumo in xalay waxa aad arkaysay maareeyahay tvga qaran ka oo ay soo dhawaynayaan salaadii iyo dadwayne tiro badan miyaanay sumcad xumo ku ahayn inan yar oo shaqaale ah oo dadwayne iga hor imaada leh oo waliba sawiradayda soo qaata iyo salaadiin ii doona dhaqankan waa dhaqan kee yaa ilaahay yaqaan oo hantidan dhawra idhaah
Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli Gabilay,Somaliland Email: aadanswali@live.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|