Shirkii looga hadlayay Dayactirka iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii looga hadlayay Dayactirka iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay
November 7, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews);Shirkii looga hadlayay dayactirka iyo horumarinta garoomada diyaaradaha Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

SHIRKA SOMALIYA

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya,islamarkaana ay maal galineysay hya’ada UNSOA ayaa waxaa ka soo baxay qodob dhowr ah.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo soo xiray shirka ayaa ka soo qeyb galayaasha iyo hay’ada UNSOA uga mahad celiyay doodihii ay ka sheegeen sidii loo horumarin lahaa loona dayac tiri lahaa garoomada diyaaradaha ee ku yaalo dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa in la sameeyay gudi labada dhinac ah oo ka kooban 11 xubnood,kaasi oo qiimeeyn ku soo sameeyo garoomada diyaaradaha ee dalka Soomaaliya.

Wasiir Qoorsheel ayaa sheegay in gudigasi ay 12-ka bishan tagi doonaan magaalada muqdisho,islamarkaana ay qiimeyn doonaan baahiyaha ka jira garoomada diyaaraha ee dalkena,kana soo talo bixin doonaan qaababka loo horumarin karo iyo sida loo kala hor marinayo garoomadasi.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa intaasi ku daray in sidoo kale la sameeyay gudi ka kooban afar xubnood oo labada dhinac ah,kuwaasoo todobaadkan tegi doono magaalada Muqdisho si ay uga soo talo bixiyaan sidii nalal suura galiya in habeenkii ay diyaaradaha ku soo degaan loogu sameeyn lahaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiir Qoorsheel ayaa ugu danbeyntii sheegay in shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah uu guul ku soo gabagaboobay.

 

Cabdisamed cali xalane

muqdisho office

COMMENTS
LINKS