Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Lagaga Arrinsaday Sidii Looga hor tagi lahaa Dhaqdhaqaaqyada uu wado Ururka Dhallinyarada Ee JIIDDALI, iyo Sidii Loo Af-Duubi Lahaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Lagaga Arrinsaday Sidii Looga hor tagi lahaa Dhaqdhaqaaqyada uu wado Ururka Dhallinyarada Ee JIIDDALI, iyo Sidii Loo Af-Duubi Lahaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA.
November 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) – Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland ee maanta, ayaa la sheegay in waxyaabaha lagaga wada hadlay ay ugu muhiimsanaayeen, Qorshayaal kala duwan oo ay kala wateen wasiiro kala duwan oo mid kastaaba taageero u raadinayay qorshihiisa u gaarka ah, isla markaana lagaga arrinsaday qodobo ay ka mid yihiin arrimo ujeeddooyin gaar ah xukuumaddu ka leedahay, kuwaas oo lala xidhiidhiyay Ammaanka iyo Saxaafadda, isla markaana si toos ah diiradda loo saaray ama loo bartilmaameedsaday meelo gaar ah oo ay ka mid yihiin ururka JIIDDALI iyo ururka Saxaafadda madaxa bannaan ee SOLJA.

golaha wasiirada somaliland

In kasta oo badanaaba aan Saxaafadda loo ogolaanin in ay goob jog ka ahaato Shirarka Golaha Wasiiradda Somaliland, sidoo kalena aan laga soo saarin war murtiyeed xambaarsan wixii shirka lagaga wada hadlay, ayaa haddana illo wareedyo xogogaal ah oo u dhuun daloolay shirkii Golaha Wasiiradda ee Maanta, ayaa xaqiijiyay in shirkaas aad loogaga wada hadlay, laguna lafo guray sidii laga yeeli lahaa laba qodob oo kala ah, Ammaanka iyo Saxaafadda.

Sida ay Wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku dhawdhaw shirka Golaha Wasiiradda ayaa sheegay in qodobka khuseeya Ammaanka guud ee Dalka, gebi ahaantiiba lagaga dooday ururka ay ku bahoobeen Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal ee Jiiddali, kaas oo Xukuumadda Axmed Siiraanyo, isku qancisay inuu khatar ku yahay Siyaasadahooda ay Qarranka ku haggaan wakhtigan, isla markaana la isla guddoonsaday in sida ugu dhakhsaha badan loogu hawlgalo sidii gacan bira loogu qaban lahaa dhaq-dhaqaaqooda oo baryahan dambe raadad badan ku yeeshay dalka, isla markaana xabsiga loogu taxaabi lahaa dhammaan hawl-wadeenadeeda, iyo sidii gebbi ahaanba loo baabiin lahaa ururkaas Jiiddali. Sidoo kale, waxa ay xoggaha laga helayo shirkaasi, ay xaqiijiyeen in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), uu golaha hor keenay Qodobka lagaga hadlayo Saxaafadda Madaxa bannaan ee Somaliland, isla markaana soo hor dhigay Golaha Wasiiradda, qorshahan oo uu taageero uga raadinayay, xukuumaddana uu u tusinayay in uu yahay xalka keliya ee wax lagaga qaban karo Saxaafadda madaxa bannaan, qorshahaas dhammaantiina ka dhigay, sidii xukuumaddu u af-duubi lahayd ururka Mihnadlayda Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland (SOLJA), oo ay xukuumaddu u qabato shirweyne lagaga qaadayo dadka ku bahoobay ururkan, isla markaana loogu dhiibi lahaa dad gaara oo uu wato, kuwaas oo xukuumadda uu uga dhigay in ay u dhaga nuglaanayaan arrimaha xukuumadda iyo wixii kasta ee la faro. Wasiir Cukuse, ayaa inta la ogyahay baryahan dambe ku hawlanaa sidii uu u baabi’in lahaa Saxaafadda, ama uu ugu hubsan lahaa gacanta Xukuumadda, taas oo uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay, ilaa haddana ku talo jira inuu sameeyo wax kasta oo uu ku heli karo rabitaankiisa raqiiska ah, ee uu ugu fekerayo sidii uu saxaafadda uga dhigi lahaa wax uu u bahdalo xukuumadda Siiraanyo, oo baryahan dambe dagaal badheedh ah kula jirta mihnada Saxaafadda.

 

wajaalenews desk

xigasho hubaal

COMMENTS
LINKS