|
|||||
WAJAALE NEWS
Shacabka Reer Tunisia Oo Muddo Dheer Kadib Fursad u Helay Doorashada Madaxweynihii Hoggaamin Lahaa
November 23, 2014 - Written by Editor:Tunis:(Wajaalenews)-Shacabka Waddanka Tunisia, ayaa muddo dheer kadib waxa ay fursad u heleen inay Gacantooda ku Go’aamiyaan Cidda Madaxweyne u noqonaysa Sanaha soo socda. Shacabku waxa ay haatan ku Hawllan yihiin doorashadaas kadib markii uu xilkaas dhamaystay Madaxweyne Ku-meel-gaadh ahaa oo sanadkii 2011-kii loo dhiibay talada kadib markii uu cararay Madaxweynihii Dictator-ka ahaa ee Dalkaasi Zaynul Caabudiin Bin Cali. In kabadan toban musharax oo ay ku jirto haween ayaa tartamaya. Musharaxa ugu horeeya Beji Essebsi, wuxuu ka tirsanaan jiray maamulkii madaxweynihii hore ee Zine el Abedine Ben Cali. Mr Essebsi wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Nidaa Tounes oo bishii hore ku guulaystay doorashadii baarlamaanka. Waxaa la tartamaya madaxweynaha hadda xukunka haya Moncef Marzouki oo isaga laftiisu ku jira Ragga ugu cadcad tartanka Madaxtinimo ee Dalkaas ka dhacaya. Doorashada ayaa waxay noqon doontaa mid ay ku tartamaan dadkii ka tirsanaan jiray dowladii Ben Cali iyo dad cusub oo soo baxay kacdoonkii kadib. Tunisa waxa ay tusaale fiican u tahay Kacdoonkii sanadahan dambe ka dhacayey dalalka carabta, kaas oo saamayn ku yeeshay Dalalka Masar, Libya, Syria, Yemen iyo waddamo kale oo ilaa iyo haatan ku jira, kuwaas oo shacabkoodu sameeyeen Kacdoon ka dhan hoggaamiyayaashooda. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|