Shacab Reer Pakistan ah Oo Nolosha Ku Gubay Lammaane Kitaabka Qur’aanka Ku Jees-jeesay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacab Reer Pakistan ah Oo Nolosha Ku Gubay Lammaane Kitaabka Qur’aanka Ku Jees-jeesay
November 5, 2014 - Written by Editor:

BaKistan(Wajaalenews)-Qaar kamid ah shacabweynaha Dalka Pakistan, ayaa Nolosha ku Gubay Lammaane isqabay oo Kiristaan ahaa Kuwaas oo meel fageer ah lagu garaacay, kadibna dab weyn la qabadsiiyey.

dab-ka lamaane reer bakistana

dab kaLamaanahan is qabey ee Kirishtaanka ah ee iyagoo nool la gubay ayaa lagu eedeeyey in ay Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku is istaageen iyagoo ku jees jeesaya, waxa ayna falkaas foosha xun ku muteysteen in iyagoo nool dhulka lagu jiido dabadeedna deb lagu shiday.

Shilka ayaa ka dhacay magaalada Kot Radha Kishan, oo ku dhawaad 60 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Lahore.

Labada lamaane ayaa lagu kala magacaabi jiray Shamac iyo Shehzad, waxana arrintooda si weyn looga Hadal hayaa Gebi ahaanba Dalka Pakistan oo ah Waddan Diinta Islaamka loo dagaalamo.

Waddamada aaminsan Mabda’a ay labadaas Lammaane aaminsanaayeen ayaa si weyn uga qayliyey tallaabada lagu gubay, waxase arrintaas si dhaw ula socda shacabka Reer Pakistan oo diinta islaamka aan agtooda lagu dhibaataynin.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS