Qiso Dhaba;Doqon Ha u Daneynin, Hadaad U daneyso Eed Baa Kaa Raaci. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso Dhaba;Doqon Ha u Daneynin, Hadaad U daneyso Eed Baa Kaa Raaci.
November 6, 2014 - Written by Editor:

ARAAR: Qisadan doqon ha u daneynin , hadaad u daneyso eed baa kaa raaci waa qiso aad u murugo badan oo ka hadlaysa qiso dhab ah oo ku dhacday nin oday ah oo rakaab ah oo saarnaa mid ka mid ah baabuurta yar-yar ee looyaqaano bas caasiga ee u kala adeega suuqa iyo xaafadaha magaalada hargaysa.

koodh yare 2

Waxaan ka cudur daaranayaa ninkan odyga ah inaan magaciisa halkan ku xuso sidaas awgeed magaca aan sooqaadan doonaa waa mid ka yimid maskaxdayda, sidaas darteed waan ka cudur-daaranayaa haddii ay dadka qaar si kale ula muuqato ama ay dhibsadaan.

Saacaddu waa ilaa 6:20 daqiiqo Cadceeddu waa markay baalasha la kala baxday ee ay godkeeda ka soo baxday fallaadhaheedana gaadhsiisay oogada sare ee dhulka.

waa wakhtigii uu qof waliba ku foofaayay shaqadiisa

waa wakhti uu qof waliba bisinka hoosta ka qabsanaayo oo uu ilaahay arsaaq wanaagsan weydiinsanaayo

waa wakhti lagu jiro tawakal calalaa

waa wakhti uu qof waliba cararaayo

waa wakhti uu qof waliba deg-degaayo

waa wakhti ay basaska yar-yar ee xaafadda ilaa suuqa u kala adeegaa aad u mashquul san yihiin

waaa wakhti sida baska lagu helaaba ay adag tahay

waa wakhti baska qofkii xoog leh uuni fuulaayo kii kalena hadal kiiba daa!

Tii yoo ay xaaladu halkaas marayso ayaan goobta isa soo taagay anigoo u soo jarmaadaaya xagaas iyo suuqa , isla markiiba waxaan arkay bas goobta taagan oo dadku kuyuu ugu jiraan sidii ay u raaci lahaayeen dabadeed kuyuugii ayaan galay nasiib darro baskii ayaa iga buuxsamay intaan kuyuuga kujiray, hadana waxaan arkay bas kale oo laraacaayo oo kuyuu loogu jiro dabadeed kuyuugii ayaan galay oo is idhi malaha kanaa kii hore dhaama, waa yaabka yaabkiiye!!! mar labaad baskii igu dul buuxsame sidaan kuyuuga ugu jiray kaaga darane waan deg-degayaa.

Dabadeed isweydiiyay ma anaa qaldan mise dadkaa qaldan? maya adigaa qaldan hadal kaygii kusoo gunaanaday,ileyn aginu maan qaldaneyne dadkaa qaldanaa oo baska nin xoog leh ayuun baa fuula kii kalena hadalkiiba daa! oo masaakiin tii iyo dadkii waayeelka ahaa ayaa meesha ku dulman.

Intaas markii aan garaw saday misena insha qac ku siiyay bas kale oo la raacaayo kadibna waxaan isku dayay inaan xoog ku koro sidii ay dadka qaarkii sameynaayeen ama ay ahaydba, nasiib wanaag baskii raacay, baskii nala dhaqaaq waxba yaanan sheekada idinku sii dheerayne aan u dhaadhaco dulucda sheekada markii uu baskii waxyar nala socday ayaa nin wadada taagan oo saaka oo dhan marba bas buuxaa siigada ku qasaayay oo wajigiisa cadho kamuuqataa baskii is hor istaagay.

Waa yaabe! nin kii baska ka hor dhaqaaqi waa ,dabadeedna nin kii baska waday la hadal ninkii baska hortaagnaa adeer basku wuu buuxaa ee ka dambe iska sug, ninkii oo cadho xoog leh wajigiisa kamuuqato ayaa ugu jawaabay waar ilaa saaka ayaan meeshan taagnaa oo aan bas sugaayay sidaas awgeed waa inaad iqaadaa oo aanad idhaafin, haddii kale wadada ayaan xidhanayaa ama jarayaa ee dib isaga noqo adeer!

Dirawalkii basku yaab!! Adeer basku wuu buuxaa ayuu markale ku celiyay ee kadambe sooraac, ninkii wadada taagnaa: adeeer hadalka igadaa oo ama iqaad ama iska laabo?

Dirawalkii yaab waayahee soo gal oo gaadhigu wuu buuxaaye halkaas khayriyada fadhiiso, laakiin waxaan u malaynayaa dadka qaarkii inaanay garanayninba macnaha ereyga khayriyo ee aan goobtan ku xusay, aan idiin bayaanshee khayriyadu waa halka marka uu basku buux samo dadka qaarkii fadhiistaan ee ay dadka kasoo hor jeestaan halkaas ayaa khayriyada looga yaqaanaa looqadda basaska.

Ninkii khayriyadii iska fadhiisay ilayn abaal buu ku qabaaye marhaduu fooda lasoo galay baskii ilaa suuqa tegaayay , kadib nin kii markii uu baskii dhaqaaqay ayay dadkii rakaabka ahaa ku yidhaahdeen wll albaabka iska xidh yaanad basba ka dhicine ?

Maxaa idinka galay haddaan dhaco ayaa ikiin weydiinaaya? Ayuu ninkii sicadho leh ugu jawaabay dad kii rakaabka ahaa, dadkii rakaabka ahaa yaab! hadana marlabaad ayay ku celiyeen wll albaabka iska xidh? Hadana ugu jawaab maxaa idinka galay dad kani af dheeraaa adeer ma kuraasta ayaa idin cun cunaysa maxaa idin haya?

Dadkii rakaabka ahaa waxay ku noqotay yaab iyo af kala qaad ! maxaa yeelay ? basku wuxuu u socdaa sida Dabdemiska ama jaadlaha.

Waxyar kadib ninkii dirawalka ahaa ayaa maqlay doodii dhexmaraysay dadka rakaabka ah iyo ninkan kalida ah, kadib kala dhex gal oo yidhi wll albaabka iska xidh?

Isna ugu awaab: waar dadkani af dheeraa maxaa idinka galay idinka? Waar adigu hore noo wad waan degdegaynaaye,waar idinkuna iska aamusa hadalku miyuu idin dhibayaa?

Waa yaabka yaabkiiye !!!

Dirawalkii: Waar inaga daaya ninkan haku dambaabinee ama ha dhaco ama ha iska daayo ?

Waxyar kadib maxaa dhacay?

Nin kii odayga ahaa ee cabdi oo sida bac dabayli wado lamoodo ayaa meel halkaas ah ku dhacay oo mar kaliya ka duulay khayriyadii uu fadhiyay,kadib yaab, amakaag iyo afkala qaad ayay dadkii rakaabka ahaa ku noqotay “kadar oo dibi dhal” Baskii joogsay,oo ninkii lagu yaac waar qabta ninku malaha wuu dhintee, qabasho dabadeed meel dhaqaaqdaba laga waa ninkii dadkii isweydii wuu dhintay iyo muu dhiman nin kii laqaad sidii caadadu ahayd oo xaggaas iyo dhakhtarka loola carar.

Nin kani muxuu koror saday?

Muxuu deg-degii ka faaiiday?

Taladii uu diidey halkay gaadhsiisay?

Kaligii taliye, taasaa u dambaysa.

Taas waxaa kasii daran ninkan magtiisa waa ayo cidda lagu leeyahay?

Su’aalahaas iyo su’aale kale oo aad isweydiinaysaanba akhhristaayaal waa xaggiinna??

 

W/Q:kahar muxumed muuse {koodh}

Email.Koodh_2010@hotmail.com

Hargeisa,Somaliland

COMMENTS
LINKS