Ogaysiis Muhiim ah: Haldoorka Hidaha iyo Dhaqanka Abwaan Xasan Ganey oo Bandhig la isku Arkay loogu Qaban Doono Magalaada Kassel ee Dalka Germany. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ogaysiis Muhiim ah: Haldoorka Hidaha iyo Dhaqanka Abwaan Xasan Ganey oo Bandhig la isku Arkay loogu Qaban Doono Magalaada Kassel ee Dalka Germany.
November 12, 2014 - Written by Editor:

Waxaa la Ogaysiinayaa Dadwaynaha Somaliyeed ee ku Dhaqan Dalka Germany iyo Hareerihiisa in Kullan Suugaaneed Balaadhan oo uu Marti inoogu yahay Haldoorkii Dhaqanka iyo Suugaanta Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganey) oo Bandhig balaadhan loogu Samayn doono Magaalada Kassel maalinta sabtida Habeenka Axadu soo galayso ee Taariikhdu tahay 15.11.2014 saacaduna tahay 8:00 pm Fiidnimo, Haddaba waxaa lagu wargalinayaa Bulshada Xiisaysa Dhaqanka, Suugaanta iyo Hibadda Rabbi ku Manaystay Abwaan Xasan Ganey inay Wakhtiga Dhawraan kuna soo hagaagaan Ciwaanka Goobta Kullanku ka dhici doono ee Hoos ku Xusan.

Jasinsaal Sandershauser Str.43,34123 kassel

COMMENTS
LINKS