|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharaxnimada Xusbiga Kumiye Waxay U Taalaa Golaha Dhexe Ee Xusbiga Kulmiye , Hana-Laga Daayo Hagardaamada iyo Iska Horkeenka Beesha Sacad Muuse.
November 20, 2014 - Written by Editor:Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maadaama la jecelyahay,waxa u qurux badan in uu faraha Faraha Kala Baxo Arimaha Xisbiga Kulmiye,intaan raadmadoobi ka raacin Mudane iyo Marwooyinba Akhristayaal waxaan Qoraalkan kaga hadli doonaa Khilaafka ragaadiyay Xisbiga Kulmiye iyo waxa uu salka ku hayo , . Anigu shakhsi ahaan waxaa aaminsanaa in uu Xisbiga Kulmiye ahaa Xisbi lehaa awoodihiisa shureec iyo Hogaanimeed Mudadii Uu Hogaanka ka ahaa Md, Madaxweyne Ahmed Siilaanyo taasi oo sida dhabta ah ay ka muuqtay qaabdhismeed ka xusbiga laamihiisa kala duwan gudo iyo dibad , waxaanan sabab u ahaa ayaan aaminsanahay inuu ahaa Hogaamiye Tolmoon oo aasaas u ah nidaamka maamul Hadaba wixii ka danbeeyay mudadii uu Madaxweyne siilaanyo uu noqday hogaanka Dalka waxaa soo baxay is qababsi faro badan oo soo dhex galay xusbigii kulmiye taasi oo ka dhalatay damacyo kala duwan oo musharaxnimo ee doorashada madaxtinimo ee 2015 oo madaw badani ku jiro qabsoomideeda. Buuqa siyaasadeed waxaa uu soo if baxay kadib markii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi uu ku dhawaaqay damaciisa siyaasadeed isaga oo ku Andacoonaya Inay heshiis wada galeen mad.siilaanyo waqtigii uu jagada madaxtinimo u tartamayay Heshiiskaasi Oo Ahaa Mid Aan sal iyo raad toona lahay.
Gudoomiyuhu runtii ma laha haykal hogaanimeed Manuu soo bandhigin wax Gar- ah oo uu kula Gartamo Madaxweyne siilaanyo, Taasi oo ay kali uga eekayd buuqana waxaa u samaystay inuu xogaa xoolo ah ku helo Taasi oo aynu ka wada markhaati nahay,waxaa buuqii siyaasadeed ka hawl-galay Ganacsato ay Gud.muuse isku hayb yihiin , kuna qanciyay inaanay jirin waxa heshiis ah oo hore ay madaxweynaha u wada galeen. Arintaasina ay tahay laab-lakac Aragti fog aan ku dhisnayn.
Intaa kadib waxaa ay ku qanciyeen inuu ka tanaasulo Daciisa lana bixiyo kharash wixii ku baxay damaciisa ee suurto gal ah . waxaa nasiib daro noqotay inuu muuse bixii ku qancay Ganacsatada Hadalkooda ookaliya isaga oo aan wax talo ah la yeelan taageraashiisii xusbiga iyo shacabka ahaa oo uu Ka doorbiday SHilimo quudhsi lacageed ah , Markaa waxaa ii muuqtay inaanu ahayba Masuul lagu aamini karo masiiir umadeed maadaba oo uu damaciisii hore siistay Lacag macno la;aan ah .
Muuse biixi waxaa uu hore u iibiyay damaciisii ahaa musharaxnimada oo uu si badheedh ah uu fagaarayaasha uga cadeeyay Taasi oo ay umadu ka wada markhaari ahayd . Waxaa nasiib daro ah in markuu xusbiga dhexdiisa ka waayay Kalsooni uu mar labaad ka dhex cadeedyo inuu ku mashquulo aragti aan macno buuran lahayn oo ah inuu Salaadiin iyo Cuqaasha u soo diro Mukhalisiin Ganacasato ah oo uu ka mid yahay Mahamed Aw siciid kaasi oo u jeedadiisu ay tahay inuu ka dhaadhciyo in loo ogolaaday inuu musharax noqdo kana reebaan Musharixiinta ay isku haybta Yihiin. Aragtida Noocaas ah runtii waa waxa aad loogu qoslo . waxaanay ka turjumaysaa kalsooni la’aan ka muuqata muuse bixi ka dib markuu ku fashilmay damaciisii hogaanimeed ee Hore oo shilimada ugu Doortay,Sidee buu hogaamiye u noqon karaa waxaa uu dhisi kari laayahay oo uu iskugu yeedhi kari laayahay Golahii dhexe ee xusbiga uu Gudoonka ka yahay . soomaalidu waxaa ay ku maahmaadaa Ninka Maqasha Dayaca ayay Geela U dirtaa. Maxamed Aw siciid waxaan leeyahay madaxtinimadu waa wax ilaahay bixiyo , jujuub, iyo kooxaysi aan sharci hayn laguma helo , ee faraha ka bax siyaasada i yo xusbiga kulmiye ,bulshaduna waxaa ay kaa sugaysaa Furitaanka Xarunta shirkada Somcable ka aad masuulka ka tahay oo ay bulshadu ay baahi wayn u qabto inay helaan adeeg internet oo ku filan Muuse waxan xasuusin lahaa inuu golaha dhexe xusbigu yahay meesh laga doorto musharaxa xusbiga. ee ha ku mashquulin Ganacsatada iyo salaadiinta beeshaada Dhexdooda soona dhaaf Aragtida Noocaas ah aan macna buuran ku fadhiyin, iskuna day inaad kasbato golaha dhexe ee aad Gudoomiyaha aad U Tahay waxaanay Aragtida Muuse ka Turjumaysaa Rajo la’aan siyaaseed, Kalsooni la’aan shakhsiyeed, iyo Aragti la’aan ka muuqatay baadhismeedkiis siyaasadeed Waxaa kuu nasiib daro aha ayaan qabaa muusow inaad ku mashquusho odayaasha dhaqanka ee beesha aad ka soo jeedo , waxaa kaa muuqataa waa kal sooni la’aan sidaana madaxtinimo laguma helo reerkana ka daabaan ku leeyahay Hagar-daamda iyo is ka horkeena madaxda dhaqanka taasi oo sababi karti Naxli iyo Curfi siyaasadeed . Anigu Haldoor siyaasiya waxaan u aqaan masuulka ku dhiirada inuu wada kasbado shacabka reer somaliland ,ee aan u kala eexan ee leh ku dhac siyaasadeed iskuna qaba Kalsooni ,kuna dhex tartama Golaha uu ka Tirsan yahay Kaasaa Hogaamiye U n oqon kara Umad Waxaan soo dhawaynayaa Cidkasta Oo damac Hogaanimeed leh , oo si kalsooni lehna iskaga dhex sharaxda xusbiga dhexdiisa kuna Yimaada Rabitaanka Xubnaha Golaha dhexe ee xusbiga dhexdiisa , Kaas ayaan aaminsahay inuu noqon karo hogaamiye umadeed.
waxaan ku soo Af-Meerayaa Tuducyo ka mid ah Gabaygii Gudgude oo uu Tiriyey Mahamed Ibrahim Warsame Hadraawi
Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye. Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
WA BILAHI TAWFIIQ
Ahmed Saalax Ali
Oslo Norwey Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|