Musharaxnimada Xusbiga Kumiye Waxay U Taalaa Golaha Dhexe Ee Xusbiga Kulmiye , Hana-Laga Daayo Hagardaamada iyo Iska Horkeenka Beesha Sacad Muuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxnimada Xusbiga Kumiye Waxay U Taalaa Golaha Dhexe Ee Xusbiga Kulmiye , Hana-Laga Daayo Hagardaamada iyo Iska Horkeenka Beesha Sacad Muuse.
November 20, 2014 - Written by Editor:

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maadaama la jecelyahay,waxa u qurux badan in uu faraha Faraha Kala Baxo Arimaha Xisbiga Kulmiye,intaan raadmadoobi ka raacin

Mudane iyo Marwooyinba Akhristayaal waxaan Qoraalkan  kaga hadli doonaa Khilaafka ragaadiyay Xisbiga Kulmiye iyo waxa uu salka ku hayo , .

Anigu shakhsi ahaan waxaa aaminsanaa in uu Xisbiga Kulmiye ahaa Xisbi

lehaa awoodihiisa shureec iyo Hogaanimeed Mudadii Uu Hogaanka ka ahaa

Md, Madaxweyne Ahmed Siilaanyo taasi oo sida dhabta ah ay ka muuqtay

qaabdhismeed ka xusbiga laamihiisa kala duwan gudo iyo dibad ,

waxaanan sabab u ahaa ayaan aaminsanahay inuu ahaa Hogaamiye Tolmoon

oo aasaas u ah nidaamka maamul

Hadaba wixii ka danbeeyay mudadii uu Madaxweyne siilaanyo uu noqday

hogaanka Dalka waxaa soo baxay is qababsi faro badan oo soo dhex galay

xusbigii kulmiye taasi oo ka dhalatay damacyo kala duwan oo

musharaxnimo ee doorashada madaxtinimo ee 2015 oo madaw badani ku

jiro qabsoomideeda.

Buuqa siyaasadeed waxaa uu soo if baxay kadib markii uu Gudoomiyaha

Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi uu ku dhawaaqay damaciisa siyaasadeed

isaga oo ku Andacoonaya Inay heshiis wada galeen mad.siilaanyo

waqtigii uu jagada madaxtinimo u tartamayay Heshiiskaasi Oo Ahaa Mid

Aan sal iyo raad toona lahay.

 

Gudoomiyuhu runtii ma laha haykal hogaanimeed Manuu soo bandhigin wax

Gar- ah oo uu kula Gartamo Madaxweyne siilaanyo, Taasi oo ay kali uga

eekayd buuqana waxaa u samaystay inuu xogaa xoolo ah ku helo Taasi oo

aynu ka wada markhaati nahay,waxaa buuqii siyaasadeed ka hawl-galay

Ganacsato ay Gud.muuse isku hayb yihiin , kuna qanciyay inaanay jirin

waxa heshiis ah oo hore ay madaxweynaha u wada galeen. Arintaasina ay

tahay laab-lakac Aragti fog aan ku dhisnayn.

 

Intaa kadib waxaa ay ku qanciyeen inuu ka tanaasulo Daciisa lana

bixiyo kharash wixii ku baxay damaciisa ee suurto gal ah . waxaa

nasiib daro noqotay inuu muuse bixii ku qancay Ganacsatada Hadalkooda

ookaliya isaga oo aan wax talo ah la yeelan taageraashiisii xusbiga

iyo shacabka ahaa oo uu Ka doorbiday SHilimo quudhsi lacageed ah ,

Markaa waxaa ii muuqtay inaanu ahayba Masuul lagu aamini karo

masiiir umadeed maadaba oo uu damaciisii hore siistay Lacag macno

la;aan ah .

 

Muuse biixi waxaa uu hore u iibiyay damaciisii ahaa musharaxnimada oo

uu si badheedh ah uu fagaarayaasha uga cadeeyay   Taasi oo ay umadu ka

wada markhaari ahayd .

Waxaa nasiib daro ah in markuu xusbiga dhexdiisa ka waayay Kalsooni

uu mar labaad ka dhex cadeedyo inuu ku mashquulo aragti aan macno

buuran lahayn oo ah inuu Salaadiin iyo Cuqaasha u soo diro

Mukhalisiin Ganacasato ah oo uu ka mid yahay Mahamed Aw siciid kaasi

oo u jeedadiisu ay tahay inuu ka dhaadhciyo in loo ogolaaday inuu

musharax noqdo kana reebaan Musharixiinta ay isku haybta Yihiin.

Aragtida Noocaas ah runtii waa waxa aad loogu qoslo . waxaanay ka

turjumaysaa kalsooni la’aan ka muuqata muuse bixi ka dib markuu ku

fashilmay damaciisii hogaanimeed ee Hore oo shilimada ugu

Doortay,Sidee buu hogaamiye u noqon karaa waxaa uu dhisi kari laayahay

oo uu iskugu yeedhi kari laayahay Golahii dhexe ee xusbiga uu

Gudoonka ka yahay . soomaalidu waxaa ay ku maahmaadaa Ninka Maqasha

Dayaca ayay Geela U dirtaa.

Maxamed Aw siciid waxaan leeyahay madaxtinimadu waa wax ilaahay

bixiyo , jujuub, iyo kooxaysi aan sharci hayn laguma helo , ee faraha

ka bax siyaasada i yo xusbiga kulmiye ,bulshaduna waxaa ay kaa

sugaysaa Furitaanka Xarunta shirkada Somcable ka aad masuulka ka tahay

oo ay bulshadu ay baahi wayn u qabto inay helaan adeeg internet oo ku

filan

Muuse waxan xasuusin lahaa inuu golaha dhexe xusbigu yahay meesh laga

doorto musharaxa xusbiga. ee ha ku mashquulin Ganacsatada iyo

salaadiinta beeshaada Dhexdooda soona dhaaf Aragtida Noocaas ah aan

macna buuran ku fadhiyin, iskuna day inaad kasbato golaha dhexe ee aad

Gudoomiyaha aad U Tahay

waxaanay Aragtida Muuse ka Turjumaysaa Rajo la’aan siyaaseed,

Kalsooni la’aan shakhsiyeed, iyo Aragti la’aan ka muuqatay

baadhismeedkiis siyaasadeed

Waxaa kuu nasiib daro aha ayaan qabaa muusow inaad ku mashquusho

odayaasha dhaqanka ee beesha aad ka soo jeedo , waxaa kaa muuqataa waa

kal sooni la’aan sidaana madaxtinimo laguma helo reerkana ka daabaan

ku leeyahay Hagar-daamda iyo is ka horkeena madaxda dhaqanka taasi oo

sababi karti Naxli iyo Curfi siyaasadeed .

Anigu Haldoor siyaasiya waxaan u aqaan masuulka ku dhiirada inuu wada

kasbado shacabka reer somaliland ,ee aan u kala eexan ee leh ku dhac

siyaasadeed iskuna qaba Kalsooni ,kuna dhex tartama Golaha uu ka

Tirsan yahay Kaasaa Hogaamiye U n oqon kara Umad

Waxaan soo dhawaynayaa Cidkasta Oo damac Hogaanimeed leh , oo si

kalsooni lehna iskaga dhex sharaxda xusbiga dhexdiisa kuna Yimaada

Rabitaanka Xubnaha Golaha dhexe ee xusbiga dhexdiisa , Kaas ayaan

aaminsahay inuu noqon karo hogaamiye umadeed.

 

waxaan ku soo Af-Meerayaa Tuducyo ka mid ah Gabaygii Gudgude oo uu

Tiriyey Mahamed Ibrahim Warsame Hadraawi

 

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye

Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye

Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda

Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade

Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho

Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

 

WA BILAHI TAWFIIQ

 

Ahmed Saalax Ali

 

Oslo Norwey

COMMENTS
LINKS