Mudanayaasha Wakiilada, Oo loo Qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga 26aad. Barina u balansan Ansixinta Komishanka Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudanayaasha Wakiilada, Oo loo Qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga 26aad. Barina u balansan Ansixinta Komishanka Doorashooyinka
November 23, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Fadhigii Maanta Golaha Wakiilada Jamuuriyada Somaliland oo Uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland ayaa Mudanayaasha loo qaybiyay Ajandaha Kal fadhiga Lix iyo labaatanaad ee golaha wakiilada.

Fadhigan oo ay Ka soo xaadireen Xildhibaano Badan ayaa waxa loo qaybiyay Sagaal Qodob oo uu ugu Horeeyo Ansixinta komiishanka Doorashooyinka Qaranka .

Qodobada Mudanayaasha Golaha wakiilada loo qaybiyay ayaa waxa uu ka Koobnaa Sagaal Qodob waxaana uu u dhignaa Sidan.

1.Ansixinta kumiishanka Doorashooyinka qaranka.

  1. Warbixinta Shirguddoonk,Gudida Joogta ah iyo Gudidayada Golaha wakiilada.
  2. Xogogaal u Noqoshada Xaalada Dalka Horyaala

4:-Mashaariicda Sharci ee golaha

  1. u yeedhista Masuuliyiinta Qaranka

6 .Ansixinta Masuuliyiinta qaranka

  1. Xeererka Golaha Guurtida kasoo Noqda
  2. Xeerarka Madaxwaynaha Kasoo Noqda ee aanu saxeexin iyo Wixii kale

Gaba-Gabadii Marka loo qaybiyay Xildhibaanada Kal fadhigii 26 taanad ee golaha Waxa fadhiga xidhay Guddoomiyaha Golaha waxaana loo balamay in Maalinta Bari Ah Fadhiga uu yeelandoono Goluhu lagu Ansixindoono Komishanka Doorashooyinka.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS