|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Mudanayaasha Gobolka Awdal Kaga Jira Golaha Wakiillada Oo Gees Iskaga Duway Mooshinka Ka Dhanka ah Guddoomiye Cirro
November 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Xubnaha Golaha Wakiillada Somaliland kaga jira Gobolka Awdal oo iskugu jira Muxaafid iyo mucaarid ayaa saaka si midaysan dhinac uga noqday Tallaabo la doonayey in Guddoomiye Cirro lagaga qaado Xilka uu ka Hayo Golaha Wakiilada. Xubnahan ayaa isku raacay inaanay la safan kooxda doonaysa in Guddoomiye Cirro meesha laga qaado, waxana ay dhammaantood iskga dareereen Fadhigii saaka ee Wakiilada, iyagoo iska diiday inay Ku Godoboobaan Xilka-qaadistaas. Mudanayaashan ayaa Goobta fadhiga ah ka maqnaa, waxana ay si wada jir ah iskugu raaceen inay ka maqnaadaan fadhigaas. Dadka u dhuun daloola Tallaabada ay Xubnahani isku raaceen, ayaa sheegaya inay ku talo galeen inaanay Godob gelin, maadaama Aanay Xubnahoodu kamid ahayd Cidda Shirguddoonka Cusub Noqonaysa cid kale loo wado. Xubnahan ayaa Noqday Mudanayaal si weyn saxaafadda iyo Bulshada dhexdeeda looga Hadal Hayo, inkastoo ay leeyihiin xubno muxaarid ah iyo kuwo mucaarid ahba. WAJAALENEWS DESK Related posts:Daawo:Dadkii Ubadkoogu Saarnaa Doontii Lagu Gumaaday Dadka Reer Soomaliland Ee Xeebta Yemen Oo Ilaa ... ganacsato madaxwayne siilanyo ka codsaday in talaabo uu ka qaado wasiirka xanaanada xoolaha oo ay ca... DAAWO ; Cabdicasiis Samaale Oo Khudbad Miisaan Leh Ka Jeediyey Xafladii Midawga Xisbiga Kulmiye I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|