“Mid Aan Ogahay Iyo Berberi, Way Kala Xanaaqaan” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mid Aan Ogahay Iyo Berberi, Way Kala Xanaaqaan”
November 9, 2014 - Written by Editor:

Runta iyo beentu way kala xanaaqaan. Xukuumadan iyo doorasho way kala xanaaqaan. Kulmiye iyo heshiis way kala xanaaqaan. Somaliland iyo muddo kordhini way kala xanaaqaan. Xildhibaanada baarlamaanka muddo dhaaf baad tihiin way kala xanaaqaan. Guurtida dhaameel baad tihiin way kala xanaaqaan. Siilaanyo taladu gacantaada kuma jirto way kala xanaaqaan. Cali gurey waxaa qari way kala xanaaqaan. Cirro, hadal badnaanta way kala xanaaqaan. Muuse biixi waa lagula tartamayaa way kala xanaaqaan. Faysal waad iska hadashay way kala xanaaqaan. Jamaal waad iska ciraaysaa way kala xanaaqaan. Samaale wadaad baad tahay way kala xanaaqaan. Xirsi waa raysal wasaare way kala xanaaqaan. Warancade iyo go’aan qaadashadu way kala xanaaqaan. Saylici iyo boorame way kala xanaaqaan. Mid aan ogahay iyo berberi way kala xanaaqaan. SNM iyo toobleydu way kala xanaaqaan.

 

Ganacsatada ilaahay ka yaaboo qiimaha jebiya way kala xanaaqaan. Telesom iyo somtel way kala xanaaqaan. Zaad iyo edahabna way kala xanaaqaan. Dahabshiil xawaaladaha kale way kala xanaaqaan. Burco laba daamood baad tihiin way kala xanaaqaan. Qabyaalad iyo qabyaalad kale way kala xanaaqaan. Somaliland iyo xalaashu way kala xanaaqaan. Daarta moorgan iyo hogaamiye wanaagsanina way kala xanaaqaan.

 

 

 

Nin hinaasiya gabadhiisa way kala xanaaqaan. Jaceylkana xaasidkay kala xanaaqaan. Shaydaankana salaaday kala xanaaqaan. Soddohda maantana soddohdii horey

COMMENTS
LINKS