Maxkamad Ku Taalla Bristol Oo Lasoo Taagay Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Kufsi ku Eedaysan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamad Ku Taalla Bristol Oo Lasoo Taagay Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Kufsi ku Eedaysan
November 28, 2014 - Written by Editor:

Bristol:(Wajaalenews-Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee carriga ingiriiska, ayaa waxa lasoo taagay 13-Ka mid ah Soomaalida Halkaas deggan kuwaas oo lagu eedeeyey inay kufsadeen Hablo dhallinyaro ah oo halkaas deggen.

Somali gang court caseWiilshan ayaa la sheegayaa inay si badheedh ah u kufsadeen Afar Hablood oo da’yar, kuwaas oo saddex kamid ahi caddaan yihiin, halka midda kalena ay tahay iska dhal.

SOMALI

Wiilshan ayaa qaar kami dah lagu riday Xukunno dhaadheer, halka qaar kalena la sugayo in maanta oo jimce ah xukunkooda la soo saari doono, waxana muuqata in kiiska lagu hayaa yahay mid ciqaab dheer ay ku mutaysan karaan.

Ciidamada Magaalada Bristol ayaa muddo dheer ku raad-joogay wiilshan da’yarta ah, waxana ugu dambayntii u suurtashay inay gacanta kusoo dhigaan, isla-markaana ay maxkamadda sharciga ah horkeenaan.

Wiilshan ayaa da’doou u dhaxaysaa 14-23, waxana la sheegay inay hablahan ku kufsadeen Goobo Huteelo ah, iyagoo qaarkood xidhiidho la leh kooxo Daroogo ku hawllan oo dalkaas ka jira.

 

 

COMMENTS
LINKS