Maxakamadda Oo Todobaad Rumaan Ah U Dirtay Xoghayaha Wakiilada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxakamadda Oo Todobaad Rumaan Ah U Dirtay Xoghayaha Wakiilada
November 16, 2014 - Written by Editor:

Hargeys(Wajaalenews)-Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa Maanta la hor keenay Maxakamadda Gobolka Maroodijeex,waxaanay u dirtay todobo cisho oo Rumaan ah. Xoghayaha ayaa gurigiisa ciidanka amaanku habeen hore kala baxay.

xoghayaha golaha wakiilada

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xadhiga Xogyaha iyo Eedaha loo haysto balse Xeer ilaalinta ayaa la sheegay inay baadhis dheeraad ah ku wado Xogyahaha.

Xoghayaha Wakiilada ayaa u xil saaran Hawlaha Shaqaalaha,ahna hogaamiyaha Shaqaalaha. Mudaneyaal Mucaaradka ka mid ah oo shalay ka hadlay xadhiga xoghayaha ayaa sheegay in xadhigiisu yahay mid qayrul sharci ah islamarkaana aanay ogayn sababta loo xidhay iyo cida xidhatay toona.

Dhanka kalena Wariyeyaal iyo Mudaneyaal baarlamaanka ka tirsan oo shalay la xidhay ayaa saaka ilaa xalay xoriyadooda dib u helay ka dib markii Masuuliyiin Madaxweyne ku xigeenkuka mid yahay si weyn uga hawl galeen.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS