Marraa-Waaxid Madaxweyne Waxa Ka Dhacaya Dalka Aad Hogaanka U Hayso Bilaa Caleek Waraaq Haka Akhriyine Si Waadax Ah Ugaro Oo Yaan Laguu Qorin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marraa-Waaxid Madaxweyne Waxa Ka Dhacaya Dalka Aad Hogaanka U Hayso Bilaa Caleek Waraaq Haka Akhriyine Si Waadax Ah Ugaro Oo Yaan Laguu Qorin
November 16, 2014 - Written by Editor:

Anigoo kamid ah Aqoonyahanka kasoo jeeda Dalka Somaliland, gaar ahaana ah dhalinyarada ku taxaluqa doorka Siyaasada ee damacu kaga jiro Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somaliland waxaan aad uga xumahay sida uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), oo ah ruug cadaa Siyaasi ah oo aanay maanta uga dambeyn Somaliland cid ka da, weyni marka loo eego haldoorkii galbadey,islamarkaana, soo marey marxalad adag oo Mucaaridad mudo dheer ah ilaa iyo halgankii SNM, in uu maanta Waraaq Qoraal ah oo Ardeyda Dugsiyada hoose kujiraa garanayaan in cid kale gacanta ku qortey oo loo soo laqimay kaga hadlo Wacyiga taagan ee ka dhacaya dalka uu Masuuliyadiisa gacanta ku hayo ee ka dhacaya meel aan ka fogeyn boqol talaabo waa Xarunta Baarlmaanka ee kasoo horjeeda,e waxay taasi u muuqtaa in ay wax badani ka jiraan xanta loo hayo doorkiisa hogaamineed, ee Siyaasada dalka maanta waayo qof kasta oo waxgarad ahi wuxu dhadhansanayaa in Madaxweynihii dhamaa ee dalku waraaq aanu hab qoraalkeeda waxba kala socon xuruufteedu ku hakanayo kaga hadlo ciidamo dhan oo qabsadey Xaruntii Baarlamaanka, Waxaan jecelahay in qoraalkaasi u markhaati furayay in uu Madaxweyne Rayaale uu ka gar darnaa markii uu Kursiga doonayay, oo Rayaale maalintii uu Baarlamaanka qufushay ka hagaagsanaa, oo ka saxsanaa waa nasiib daro in maanta la isu soo barbardhihay hadalkiisii maalintaa iyo kan qoraalka loogu soo qorey, waa nasiib daro waa Taariikh madow oo loo shaqeynayo Madaxweyne Siilaanyo, waxaan jecelahay in cida khaldan ee uu Madaxweynuhu qoraalkaasi ku sheegayay ay tahey xaqiiqdii kuwii u qoray nuxurka qoraalkaasi, cid kasta oo ay taheyba waxaan odhan lahaa cida qoraalkaasi Madaxweynaha Warqada ugu qortayay waar u tudha Taariikhdiisa, waar u tudha Somaliland waar u tudha dowladnimada iyo astaanteena Qaran oo u tudha dalka iyo dadkaba, oo Taariikhda haka xumeynina bilaa caleek, waxa Tusaale idiinku filan is barbardhiga qoraalkaa aydin Madaxweynaha hordhigteen iyo hadalkiisii shaley markii uu Mucaaridka ahaa ee uu ka hadlayay sida Baarlamaanka iyo Golaha Wakiilada loola dhaqmey.

Gabagabadii waxaan halkan hambalyo uga diryaa duqeyda Golaha Guurtida Somaliland ee ka gurmatey ceebtaa Qaran, inkastoo Saleebaan ka gows qabsanayay inay Golaha hore u dhexdhexaadiyeen oo ay meel wax u dhigeen, halka Xaaji Cabdi Waraabe ka cadeeyay xalintoodii hore iyo halka ay wax u dhigeen khilaafka Golaha waan ku hambalyeynayaa Bulshada iyo Shacabka Somalilandna waxaan leeyahay waar indhaha yaynaan ka qarsan sidii munaafiqiinta,e khaladka lagu wado Madaxweynaheenii aynu diooranay halooga gurmado cid kasta oo majara habaabinaysa shacbiga Somalilandna waxaan u rajeynayaa Guul iyo Gobanimo, Bukhaarina waxaan leeyahay ma dheera wakhtigii jiil cusub oo dhalinyaro ahi ku badelayeen waxaanad ceeb ku tahey Deegaanada lagaa soo doortey, iyo guud ahaanba Golaha Wakiilada ee aad fidmada la dhex taagan tahey.

Wabilaahi Towfiiq

Aqoonyahan Ahmed-Khaliif Jaamac Saalax

 

COMMENTS
LINKS