Maraykanka Oo Sheegay Inaanu Wafdi Udirayn Shirka Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliya Ee Lagu Qabanayo Todobaadka Danbe Magaalada Copenhagen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Sheegay Inaanu Wafdi Udirayn Shirka Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliya Ee Lagu Qabanayo Todobaadka Danbe Magaalada Copenhagen.
November 11, 2014 - Written by Wariye:

maraykanQoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu dhexdhexaad ka yahay muranka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha

Dalka Maraykanka ayaa welwel ka muujiyey xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka Somalia. Hadalkan oo lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in talaabada lagu doonayo in mooshin lagu horgeeyo baarlamaanka Somalia, kaas oo codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisal Wasaaraha Somalia, uuna u adeegayn maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu dhexdhexaad ka yahay muranka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Waxa qoraalka lagu sheegay in Maraykanku uu ku dhaggan yahay mabaadi’da Hiigsiga Cusub, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dhiso Somali xor ah, amni ah, dimoqraadi ah, mideysan, isla markaana Federal ah.

Qoraalka dawladda Maryakanku ay soo saartay ayaa lagu sheegay in hogaanka Somalia oo siyaasad ahaan ku kala qeybsan darteed,
uuna Maraykanku arkeynin faa’iidada inuu wafdi u diro shirka Somalia ku saabsan ee toddobaadkan dambe ka dhacaya magaalada Copenhagen si dib loogu eego waxyaabihii qabsoomay, arrintaas oo qeyb ka ah Hiigsiga Cusub.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Maraykanku uu garab taagan yahay bulshada caalamka sidii dawladda federalka loogu boorin lahaa inay si buuxda u dhaqan galiso aragtida qorshaha 2016ka, isla markaana ay ka weynaato khilaafka siyaasadeed, kaas oo ka jeedin kara howshii muhiimka ahayd ee ahayd in ay dalka ku mideyso hanaanka Federalka.

Hargaisa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS