Maraykanka oo caddeeyey Mawqifkiisa Xallinta Khilaafkii Golaha Wakiillada Iyo Taageeradooda Doorashooyinka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka oo caddeeyey Mawqifkiisa Xallinta Khilaafkii Golaha Wakiillada Iyo Taageeradooda Doorashooyinka Somaliland
November 25, 2014 - Written by Editor:

“Maraykanka waxa ka go’an inay ka caawiso dhammaan dhinacyada ay khusayso gaadhitaanka isfaham iyo kawada shaqeynta….” U qaybsanaha arrimaha Bulshada Safaaradda Maraykanka ee Nairobi Mr. McCusker: Waraysi Gaar Ah

us-embassy.si-1

London,(Wajaalenews)- Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan taageerida nidaamka doorashooyinka Somaliland iyo go’aanka Sabtidii toddbaadkan Golaha Guurtidu ku xalliyeen khilaafka u dhexeeyey Golaha Wakiillada.

us-embassy.si-1Sarkaal Safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya u hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in si nabadgelyo ah lagu dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey Golaha Wakiillada Somaliland, mar wax laga weydiiyey aragtida dawladdiisa ee la xidhiidha xallinta khilaafkaas.

Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan Weriyeyaasha Wargeyska Himilo, ayaa Breeann McCusker oo ah Sarkaalka arrimaha bulshada u qaabbilsan Safaarada Maraykanku ku leeyahay magaalada Niarobi ee xarunta dalka Kenya, weydiiyey sida dalkiisu u arko xalkii lagu dhammeeyey khilaafkii Golaha Wakiillada Somaliland iyo taageeriddooda nidaamka doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi; “Waan ku farxsan-nahay maqalka in khilaafkii Siyaasadeed ee u dhexeeyey Baarlamaanka (Golaha Wakiillada) Somaliland lagu dhameeyey si nabadgelyo ah.”

Mr. McCusker ayaa intaas raaciyey, mar uu ka jawaabayey taageeriddooda nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland; “Maraykanka waxa ka go’an inay ka caawiso dhammaan dhinacyada ay khusayso gaadhitaanka isfaham iyo kawada shaqeynta nabadgelyo raagta iyo xasilloonida dalkooda (Somaliland).”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo hortood ay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi isla Wargeyska Himilo u sheegtay inay rejaynayaan in si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo khilaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada Somaliland Mar Jimcihii Weriye Maxamuud Walaaleeye wax ka weydiiyey siday u arkaan khilaafkii jiray markaas.

 

xigasho wargayska himilo

 

COMMENTS
LINKS