Madaxweynuhu Hees Uma Baahnee Qarankoo Hagardaamada Iyo Heyb Heybta Laga Daayo U Baahan Yahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynuhu Hees Uma Baahnee Qarankoo Hagardaamada Iyo Heyb Heybta Laga Daayo U Baahan Yahay
November 21, 2014 - Written by Editor:

Waxaan ugu danbeyntii si sharaf qadarin iyo qiimeyn ku dheehan tahay uga codsanayaa qof kasta oo muwaadin Somaliland

Ugu horeynba aan si kooban idinku sifeeyo shaqsiyada madaxweyha iyo sawirka uu ku leeyahay guud ahaan mandaqada aynu ku nool nahay gaar ahaana macnaha iyo miisanka uu ugu fadhiyo Somaliland oo dhan marka laga imaado xilka umada u hayo.

Waxa marag madoon ah in badi bulshadu cirooliyo caruur, culimo iyo caamo, haldoor iyo

Barkhad jaamac xirsi

hal abuur, haween iyo hormuud iyo sidoo kale dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadu isku waafaqsan tahay in madaxweyne silanyo yahay dheeman ka dhex ifaysa siyaasiyiinta geeska afrika sidoo kalena yahay qof ay ku faani karaan hogaamiyayaasha wadamada afrika marka la iskugu imaado mashraxyada siyaasada dunida iyada oo la eegayo taarikhdiisa mugo iyo micnaha weyn ku fadhida horeyso iyo danbeysaba

Ku dheeraan maayo balse waxaa igaga filan oo kaliya inaan ku soo koobo sidan:

Magacu waa Axmed Maxamed Maxamud waxaa u wataa taarikh cibro iyo casharo badan ku dheehan yihiin oo aad ogaan karto markaad lafadhiisato waxna aad ka weydiiso waayhiisii nololeed iyo wixi ugu weynaa ee soo mara into noolaa.

waxaa aqoontiisu gaadhsiisan tahay doctorate PHD uu ka qaatey Jaamacada camud

Wuxu xilal soo qabtey tan iyo markii u ka baxay jaamacada Manchester university ee wadanka England qeybteeda dhaqaalaha oo uu ka qaatey shahaahada labaad ee master degree waxaana kamid ah xilalkaas wasiir, lataliye, agaasime, gudoomiye urur, xildhibaan gudoomiye xisbi, iyo haatan oo uu yahay madaxweynaha qaranka Somaliland oo dhan, dhacdooyinka aan

dhicisoobin uguna suntan taarikhda tan iyo intii Somaliland la soo noqotey xornimadeedii ku luntey midowgii somaliyeed 1991 18 may

  1. Guusha dib u xoreynta wadanka oo uu qeyb weyn ka ahaa
  2. Nabadeyntii beelaha Somaliland burburkii dalka soo gaadhay kadib
  3. Ka tanaasulka doorashadii taarikhiga aheyd ee uu kaga hadhay 80 cod taas oo aheyd kiniin qadhaadh oo biyo la,aan lagu liqay iyada oo sidaasna u yeelay daneynta dalka iyo dadka
  4. Aragtida aasaaska xisbiga kulmiye iyadoo ay jireen garbo badan oo kaalin weyn kala qaatey
  5. Ku guuleysashada xilka madaxweynenimo ee wadanka iyada oo uu ku helay kalsoonida shicibka Somaliland

 

 

  1. Waxbarashada dalka oo bilaash noqotey into xilka dalka hayey
  2. Bixinta darajada ciidama Somaliland oo haybadii iyo haykalkii dalwadnimo dhameystirtey
  3. Awood galinta dhalinyaro ka badan iyo haween fursad u helay fadhiisiga miiska talada dalka

Waxqabadka xukumadiisa iyo soo bandhigeeda ka hordhici maayo oo wakhti ayey leedahay

Madaxweyne Silanyo waa shaqsi inta badan dhoola cadeeya, wuxu leeyahay sifo aad u fiican oo ah dhageysiga hadalka iyo cida wax u sheegaysa oo uu ku ixtiraamo hadalka iyada oo aanu aqoon dhex galka hadalka ilaa aad dhameyso,

Wuxu aad iskaga ilaaliyaa hadalada xanafta iyo xumaanta leh

Wuxu leeyahay sharaarad kulul oo ku timada marka dhagihiisu maqlaan dulmi iyo dagaal

Waxa kamid ah erayada aadka loogu yaqaano Kufurtu bilaahi oo haddii ay afkiisa ka soo baxdo meel danbe oo loogu laabtaa jirin

Markaad kulantaana waxa ugu horeysa ee uu ku odhanayo salaanta kadib waxaa weeye Ahlan wasahlan aan intaas ku dhaafo iyada oo aan dareemi karo inaanan dhameytiri Karin taarikhdiisa laakin guud cararkaas kooban ayaa igaga filan waayo waxaa laga yaaba iney qaadato buug dhan.

Wuxu yahayna waxay ku taal madxafka laga eego muuqaalka masuuliyiinta qaranka somaray oo ah taarikhda dalka

Muxuu inooga baahan yahay?

Magac iyo maal inoogaba baahna, balse wuxu inooga baahan yahay muruqeena iyo maankeena oo aynu la garab istaagno kuna taageerno xaqa iyo xilka umada u hayo mudada uu kursiga fadhiyo, waxaa sidoo kale uu inooga baahan yahay ka fogaanshaha naxliga iyo naceybka laga dhex hurinayo bulshada Somaliland ee wallaalaha ah cida ay doontaaba ha wade anigoo cidna si gaar ah farta ugu fiiqeyn.

Waxaa kale oo u madaxweynuhu inooga baahan yahay ineynu kala shaqeyno ilaalinta aminga iyo adkeynta qaranimadeeda, dawladu waxay ku dhismataa dadaalka dadka, dalkuna wuxu wax ku yahay dawladnimada.

Madaxweyne Silanyo hees aynu ku cumaamadno, iyo mid aynu ku canaanano, kuna canbaareyno inoogama baahna balse waxa kaliyaata ee inooga baahan yahay waa ku ag istaaga xasiiloonida qaranka iyo xilka uu hayo.

 

Waxaa iga keenay inaan qoraalkan qoraa waxaa weeye iyada oo aad moodo intan danbe in loo kala abtrininyo umada wallaalaha ah ee cadowga badan ku xeeran yahay, iyo dareenka dhabta ah ee inta wax garneysa qabto

Waxaan ugu danbeyntii si sharaf qadarin iyo qiimeyn ku dheehan tahay uga codsanayaa qof kasta oo muwaadin Somaliland ah inuu xooga saaro ka fogaanshaha qabyaalada iyo qeyb qeybinta bulshada

Il dheerna ku eego waxa ka socda hereeraheena iyo cida inagu xeeran.

Somaliland guul iyo gobonimo

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batun

Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland

Hargeisa

Email: Barkhad909@live.com

 

COMMENTS
LINKS