Madaxweyne siilaanyo oo gabyay “’Hadaad Inuun Iga Naxaysaan, Holland Igaadhsiiyaa’”by mujaahid cali cismaan (cali xaraaro) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne siilaanyo oo gabyay “’Hadaad Inuun Iga Naxaysaan, Holland Igaadhsiiyaa’”by mujaahid cali cismaan (cali xaraaro)
November 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA.WAJAALENEWS
habar awal iyo arabaa heerey magacaye habar yoonis baa kasii daran ninkay boqon haleelaane samaroon waxay igu hayaan waanad hadahayne

Gabagan waxa tiriyey Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi

Xirsiyoow hadaaftaye hadaad naga huleeleyso

Hadaad caawadaa gaadhiga hore kasii fuusho

Hal yar iigagee habar jeclo markaad hooski bari gaadho

Cusaamaa habkii aan u faray hubin warkaygiiye

Kol hadaan hugeyga iska rogo soo hamaan sadaye

Hiin faadhka iga soo baxa waad ku hawisi doontaaye

Janjabaad iga yeedhasana naftaa hawba kaa odhane

Wadada kaa horaysaa waa midaan lagu hagaageyne

Waa wada hubiyo rasaasiyo hilin colaadeed

suu hiririg leeyiyo shilkaha holaca aad yaabto

hoobiye hawada soo mariyo hawsar laba yeedha

Holaleysi kaa soo gaadhiyo hadal xun mooyaane

Sheekha habuuraan kuu baryee ilaah hadimo kaa baaji

Way ii heshiiyeen dhamaan habar magaad luuye

Habar awal iyo arabaa heerey magacaye

Habar yoonis baa kasii daran ninkay boqon haleelaane

Samaroon waxay igu hayaan waanad hadahayne

 

Hartigana waad wada ogtiin inay igu hadaaqaane

Hilaab ooyayeey qalbigu wuu i holcanayaaye

Kursigana sIdan kuma haysan karo oo waa midaan hubo e

SomalIyana way hodee hiil masoo dirine

Gaaladuna halawdey soo hayeen waygu hodayaane

Intaan meesha laygu helin hubuqna lay geysan

Hadaad inuun iga naxdaan holand i gaadhsiiya

By Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

 

COMMENTS
LINKS