Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaaminayo Oo U Socdaalay Gobolka Saaxil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaaminayo Oo U Socdaalay Gobolka Saaxil
November 26, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, isagoo u sii jeeda dhanka Gobolka Saaxiil. Madaxweynaha oo ay weheliyaan gaadiid tiro badan ayaa xili hore oo saaka ah ambabaxay,iyadoo u jeedada socdaalkiisa lagu sheegay Dhagax-dhig dib u dhis lagu sameyn doono wadada isku xidha Xamaas ilaa Berbera iyo weliba Berbera ilaa Sheekh oo aad u gogo’an gaadiidka maraana dhib weyn ku qabaan, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu xadhiga ka jarayaa qaybo ka mid ah dib u dhiska jidadka oo la dhamaystiray

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaan la Ogayn wakhtiga uu ku maqnaan doono socdaalkiia iyo inuu ku nagaanayo Berbera.

COMMENTS
LINKS