Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo OO Xafiiskiisa Ku Qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed;SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo OO Xafiiskiisa Ku Qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed;SAWIRO
November 11, 2014 - Written by Editor:

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed lagaga hadlaayey Tahriibta oo lagu dhiirigelinaayey dhalinta dalku inay ka dheeraadaan tahriibta dalkoodana aaminaan.

IMG_0902IMG_0953 IMG_1005 IMG_1125IMG_0869

 

Ururka Horumarinta iyo Daraasaadka Somaliland ee loo soo gaabiyo SODRA ayaa dhalinyarada Hal abuurada ah ee ka socda Gobolada dalka u qabtay kulan balaadhan, oo runtii ahaa mid muhiimadiisa koowaad ahayd dhiirigelinta da’a yarta dalka, iyada oo ay hogaaminayeen dhalinyaradaasi la kulantay madaxweynaha Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Shaqale iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Nada Yuusuf Cumar, ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaasi hal abuurka ahi waxay madaxweynaha hortiisa ku soo bandhigeen kana akhriyeen Gabayo iyo suugaan ay ku cabirayeen halka ay ka taagan yihiin dhibaatada tahriibta iyaga oo madaxweynaha ku amaanay sida uu marwalba u barbartaagan yahay dhalinyarada wakhti walba iyo goor kastana ugu furan yihiin albaabada xafiiskiisu.

 

Madaxweynaha oo isna dhalinyaradaasi ku hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen inay u caqli celiyaan kuwa naftooda biimeeyey ee u banbaxay tahriibta iyo inay u badheedhaan badaha, ayaa ku amaanay da’a yartaasi sida xigmada leh ee ay gabayada iyo suugaanta ugu cabireen dareenkooda, isaga oo madaxweynuhu gudanaaya waajibaadkiisa qaran ee dhiirigelinta da’a yarta dalka waxa uu xafiiskiisa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey dhalintaasi.

 

ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu da’a yartaasi kula dardaarmay in aanay ka daalin wacyigelinta iyo kulanada noocan oo kale ah, una joogteeyaan si ay kuwo badan oo ka mid ah dhalinyaradu wax ugu qaataan.

 

sidoo kale waxa dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ah hotel Maansoor ugu sameeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

COMMENTS
LINKS