Madaxweynaha Iyo Qoyskiisu Ixtiraam Ayey Kaa Mudanyihiin Cali Gurayow | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Iyo Qoyskiisu Ixtiraam Ayey Kaa Mudanyihiin Cali Gurayow
November 7, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waxan salaamayaa warbaahinta madaxa banaan iyo shaqaalaheeda Intaas kadib waxan doonayaa inaan jawaab ka bixiyo maqaal ku qornaa wargeyska geeska Africa cadadkiisii 2109 aad maalintii khamiista oo bisha -6-11-2014. Kaasoo ciwaankiisu ahaa madaxweynaha way ka go’antahay iney doorshadu dhacdo balse dadka ku xeeran ayaaa go’aaanka leh.

Waxan u sheegayaa cali gurayow hadalkaas aad tidhi madaxweynaha dadka ku xeeran ayaaa go’aanku ka go’aaa hadal masuul maaha madaxweynaha ayaaa umadu dooratay isagaanna lagu ogyahay talada dalka sharafna waa kaa mudanyahay hadii aanad is yeel yeelayn waad taqaaney wuxuu galo iyo wuxuu gudo waadna u tegi jirty waadna u tegi kartaa. Intaas hadii aan ku dhaafo ta madaxweynaha waxaad kale oo aad eed dusha ka saartey ninka la yiraahdo baashe cawil x,cumar oo tidhi maxakamad ayaa la horkeenayaa shandado ayuuu lacag ku qaadaa’xoolaha umaduu gurtaa’ horta malaa waanad dhaadine oo waanad hubsane baashe xilna umahayo qaranka xoolo qarana baadi u’maha xididinimose goortey ceeb noqotay adigaa noo sheegi waxaase cad in baasha ka tirsanyahay qoyska madaxtooyada waana arin caalami ah madaxweyne yaasha oo dhan ubadkoodu waxay leeyihiiin maamuuska madaxweynaha qasriga ayeyna ka midyihiin, baashe malaa aqoon baanad u’lahayne waxa dhalay cawil xaji cumar iyo kinsi cadiid lafcanbe oo bulshada rer Somaliland oo dhan wada taqaaan waa qoys muxtarim ah, isaguna waa aqoon yahan da’yar inantana waa is caashaqeen caruurtiisuna jaamacadaha ayey ku jirtaa.

Caliyow adiga iyo in kula Ehel ah waxaad caadaysateen cayda iyo aflagaadada qaawan ee aad kula kacaysaan baashe iyo qayskiiisa dil baad ku kaftmaysaan anigoo ah baashe inaadeerkii waxan kuu sheegayaa golle ayeynu isla tegaynaa mid dhaqan mid sharci ama sidaad wax u wado ee aan sharafta lahayn baanu kuula wadidonaa cadii ku qaban lahaydna wargasho.

by Jaamac Cali Abokor

COMMENTS
LINKS