Madaxtooyada Somaliland oo Cunaha Kagaga Duuban Taatuf iyo Hubaal una Sacabo Tumaysa Soodhawaynta Universal-tv Maxaadse Kala Socotaa Heshiisyada Qarsoodiga ah ee Universal Tv- iyo Madaxtooyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Somaliland oo Cunaha Kagaga Duuban Taatuf iyo Hubaal una Sacabo Tumaysa Soodhawaynta Universal-tv Maxaadse Kala Socotaa Heshiisyada Qarsoodiga ah ee Universal Tv- iyo Madaxtooyada Somaliland
November 4, 2014 - Written by Editor:

Wasiirka Warfaafinta Somaliland -Cabdilaahi Cakuse oo Maanta Warbaahinta Kulahadlayay Hargeisa ayaa Sheegay in Laqaaday Xayiraadii Universal tv, Kadib Markii ay Raaligalin Bixiyeen Sidoo kalana Ay Ergo ugu Timi Madaxdhaqameed Kasoo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland.

siilaanyo

Waxa uu Cakuse Hadalkiisa Kudaray in ay Maamulka Universal ku Qasbidoonan U hogaansanka Shuruucda Dalka Somaliland U Taala.

Balse Sida ay Xoga Wareedyo Looga Qaateen   Ugu Warameed Somalilandlive.com Arinta Cafiska Universal Tv ayaa aad uga Qotodheer Sida uu Wasiir Cakuse Kumacneeyay, Waxana in Dhawaano ahba Siikala Fogaanayay Xukuumada Siilaanyo iyo Warbaahinta Madaxabanaan oo ay Maanta Faro Madhan Kataagantay, Kadib Markii ay Xadhig iyo Tacdiyo aan Dhamaadlahayn oo Ay Wabaahinta Ku Cabudhinayaan Casaabad Isku ´Xidhan oo laga Sooshidaaliyo Madaxtooyada Somaliland   kuwaas oo Falkii ugu Danbeeyay Kula Kacay 4 Wariye oo ay Gabiley Xabsiga Kuxidheen. Halka ay Madaxtooyadana Isa Seegeen Wiigan Horn Cable Tv oo In Mudo ahba Xamanjiray in uu Heshiis Hoose Kulajiro Madaxtooyada.

FalalKan Arxandarada iyo Cabudhinta ah ee ay Warbaahinta Madaxa Banaani kala Kulantay Xukuumada Siilaanyo ayaa Sababtay in   ay kala Quus Beelaan Warbaahinta Madaxabanaan iyo Xukuumada Siilaanyo.

Arintan ayaa Warwar Badan Baday Madaxtooyada   oo aan hada Gacanta kuhayin Warbaahin ay Kubaahiso Probogaandadeeda Wakhtiga Doorashooyinka Markala laga Tago   Tv.ga Qaranka oo aanay Cidina Hada Daawan ayay Dantu Ku Qasabtay in ay Dib Usoo Celiso Tv-ga ay Hore Colaada Xumo Udhexmartay iyada oo Hada Lagashay Heshiiyo Waawayn oo ay Kamidyihiin in ay Xukuumadu Qadaraasyo Hoose oo aanay Waribaahinta Maxaliga   iyo Tan Caalamiga ah ee Somalilandba U ogolayn Siisay Universal-TV   iyada oo kaga Badalanaysa Faafinta Dacaayada Xukuumada Siilaanyo.

Ila Wareeyadan ayaa U Xaqiijiyay Warbaahinta Somalilandlive.com in ay Madaxtooyadu Siisay Laba Marshuuc Universal-tv kuwaas     oo ay U Qoondaysay Qarash Dhan 1-Hal-Miyan oo Doolar -$ labadan Marshuuc ayaa kala ah olalaha Doorashada iyo Wacyi Galinta Bulshooyinka Kunool Deegaanada   Shidaalka Somaliland laga Baadhayo

 

Sikastaba ha ahaato ee Madaxtooyada Somaliland ayaa Wali Cunaha Kaga Duuban Labada Wargees ee Hubaal iyo Haatuf. Halka ay Guud ahaanba Warbaahinta Somaliland Kuhayso Cabudhin iyo Cago Juglayn Qayrul Xad ah

COMMENTS
LINKS