Madaxtooyada oo ku fashilantay Qafaalashada mid kamid ah xubnaha guddida fulinta ee ururka Jiidali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada oo ku fashilantay Qafaalashada mid kamid ah xubnaha guddida fulinta ee ururka Jiidali
November 5, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Cabdixakiin Siciid Bustaale oo kamid ah guddida fulinta ee ururka Jiidali ayaa xalay waxa meherad uu ku leeyahay xaafada Goljanno ee magaalada Hargeysa ku soo weeraray ciidan isugu jiray dhar cad iyo askar hubaysan halkaas oo ay isku dayeen inay ka qafaashaan Cabdixakiin Siciid Bustaale,balse ay u suurtoobi weyday kadib markii uu ka baxsaday.

kiin

ciidankan ayaa waxa ay ugu soo galeen Cabdixakiin Siciid Bustaale oo lagu naaneyso (Kiin) meherad farmasi oo uu ku leeyahay xaafada Goljanno abaaro 11:30 habeenimo xili uu ku gudo jiray hawlihiisa meherada islamarkaana waxa ay u sheegeen in la doonayo oo ay kaxaysanayaan,intaa kadibna uu cabdixakiin u sheegay inay tusaan sharciga ay habeenimadan u wadaan inay ku kaxaystaan taas oo ay ugu jawaabeen horta dibada u soo bax warqada waanu ku tusaynaaye intaa kadibna Cabdixakiin oo dareen qaatay ayaa ka dalbaday inay yar sugaan dabadeedna waxa uu ka baxay albaab dambe oo ay meheradu lahayd isagoo islamarkaana uu ka booday jingad ku dhextaalay guriga sidaana uu kaga baxsaday.

Waxaa sidoo kale isla xalay weerarkan oo kale ka badbaaday guddoomiyaha ururka Jiidali Cabdiraxmaan Xasan aadan oo isna meel ku dhaw guriga uu degan yahay laga qafaalan gaadhay isla saacada ay askartan dharcada isugu jirtay ay meheradiisa ku weerareen cabdixakii Siciid Bustaale oo ah xubin kamid ah guddida fulinta ururkan

 

hadaba,Cabdixakiin Bustaale ayaa kamid ah guddida fulinta ee ururka dhalinyarada ee Jiidali islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa safar ay isaga iyo xubno kamid ah guddida fulinta ee ururkaasi ku tageen magaaladda Boorama ee gobolka Awdal halkaas oo ay heshiis ku soo kala sexeexdeen ururka kale ee dhalinyarada ee Gurmad.

 

kiin

 

Weerarkan ayaa laga soo abaabulay madaxtooyada Somaliland oo sida ay wararku sheegayaan maalmihii u dambeeyay la amrayay xadhiga masuuliyiinta xubnaha sare ee ururka Jiidali,iyadoo marwada madaxweyne Siilaanyo oo iyadu ka soo horjeeda aadna u necbeysatay ururkan ay dhalinyaradu isku bahaysatay islamarkaana ay mudooyinkii u dambeysay abaabulaysay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd oo ay xabsiga ugu guri lahayd xubnaha sar sare ee dhaqdhaqaaqa ka waday ee safarada ugu baxayay gobolada, waxaana jirtay oo xusid mudan maalmihii ay reer gabilay mudaharaadka u sameeyeen saraakiisii qori lugud lagu laayay in afhayeenka ururka Jiidali Faysal Cumar Madar uu ka badbaaday xadhig lala damacsanaa kaas oo booliska joogay kantaroolka magaalada Gabilay lagu balamiyay oo lagu amray inay xidhaan afhayeenka ururka oo magaciisa loo qoray askartii iyagu markaas joogay bar-kantaroolka,balse xadhigii lala magaanaa afhayeenka Jiidali uu ku dhacay maareeyaha wargeyska xayiran ee Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo fifaftirihiisa Xasan Xuseen keefkeef oo ciidanka bar kaantaroolka Gabiley ay ku xidheen halkaas inkastoo wax yar kadib la sii daayay

 

Sikastaba ha ahaatee ururka Jiidali ayaa ah mid ay xukuumada Siilaanyo dhibsatay isla markaana ah mid cadaadis dhanka siyaasada ah ku haya iyadoo uu ururkani sameeyay dalad siyaasadeed ay ku bahaysan yihiin dhamaan dhalinyarada Gobolada Somaliland kaas oo saamayn xoogan ku yeeshay xukuumada Siilaanyo oo u muuqata inay kasoo jeedsato cadaadiska ay ku hayaan xisbiyada mucaaridka oo ay u jeedsato dhalinyaradan iyagu ku bahoobay ka tashiga aayahooda iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen isbedelada dhanka siyaasada ah ee dalka

Wajaalenews desk

COMMENTS
LINKS