|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Oo Inqilaab Aan dhiig ku Daadan Goor Dhaweyd ku Qabsatay Xarunta Barlamaanka + RRU lagu Wareejiyey Iyo Ciidankii Hore Oo Laga Daad-gureeyay
November 13, 2014 - Written by Editor:Hargeysa-(Wajaalenews):-Xukuumada Siilaanyo ayaa Ciidamo Cusub soo dhoobtay Xarunta Golaha Baarlamanka Somaliland, iyadoo gabi ahaanba laga qaaday Ciidamadii hore ilaalada uga ahaa Xarunta. Ciidamada Cusub ee Xukuumada Siilaanyo soo dhoobtay Xarunta Baarlamanka Somaliland ayaa hor dhac u ahaa Weerar Qaawan oo Xukuumadu la maagan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana ku doonayso inay si jujuub Iyo Xoog ah Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalilad ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro. xarunta baarlamankaWeerarkan ay Xukuumada Siilaanyo Kula Wareegtay Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu ka dambeeyay Kulamo xidhiidh ah oo oo dhawrkii habeen ee u dambeeyay ka socday Aqalada Madaxtooyada iyo Aqalka Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, kulamadaas oo lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ah Weerar Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaaana Galabta oo Khamiis ah ay Xukuumadu bilawday diyaar garaw ay Maalinta Sabtida ah ay ugu talogashay inay kula wareegto Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u Cabudhiso islamarkaana ay Awood Ciidan Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha.
WAJAALENEWS DESK XIGASHO HUBAAL MEDAI Related posts:“Waxaad Aniga Iisoo Sidiyo Saafka Iyo Goolka, Adiguba Saboolbaad Tahee, Siiso Ubadkaaga” Hooyada Dha... Gudida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland Oo Kula Yeeshay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka War Bix... 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|