|
|||||
WAJAALE NEWS
Labadii Wariye Ee Magaalada Gabiley Ku Xidhnaa Oo Xorriyadoodii Dib U Helay.
November 12, 2014 - Written by Editor:Gabiley(Wajaalenews)- Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo Ka tirsan Telefishanka Horn Cable iyo Wariye Maxamed Sheekh Xasan Jubba, ayaa Xorriyadooda dib u helay ka dib markii Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay todobaado ka hor. Labada Wariye ayaa damaanad kaga soo baxay Jeelka Gabiley oo ay ku xidhnaayeen.Xukumadda ayaa Wariyeyaasha ku Eedaysay War been abuur ah inay faafiyeen,balse xadhigoodu waxa uu ka dambeeyay markii ay baahiyeen war ku saabsan Dad gubaya Calanka Xisbiga Kulmiye iyo in Xisbiga Kulmiye aanu haysan Kalsoonida iyo taageerada Shacbiga Gabiley. Xukumadda ayaa Cambaarayn tiro badan kala kulantay Xadhiga Wariyeyaasha,iyadoo ah Xukumaddii xidhay wariyeyaashii ugu tirada badnaa.Ururka Solja ayaa sheegay in tirada Wariyeyaasha iyo Xarumaha warbaahinta ee Xukumaddani xidhay hadda ku dhaw yihiin Saddex boqol(300). Related posts:DAAWO; Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Iyadu Masuul ka Tahay Bixitaanka Jabhada Caare. Halkan Ka Daawo Dadku Sidii Ay U Dhacsadeen Ayey U Dhacsanayaan Maaha Wax Ay Ka Dhaqaaqayaan Oo Ay ... “Xisbiga Kulmiye Waxuu Isu Bedelay Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed Ee Siyaad Bare Xukum... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|