Labadii Wariye Ee Magaalada Gabiley Ku Xidhnaa Oo Xorriyadoodii Dib U Helay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labadii Wariye Ee Magaalada Gabiley Ku Xidhnaa Oo Xorriyadoodii Dib U Helay.
November 12, 2014 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews)- Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo Ka tirsan Telefishanka Horn Cable iyo Wariye Maxamed Sheekh Xasan Jubba, ayaa Xorriyadooda dib u helay ka dib markii Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay todobaado ka hor.

LABADA WARIYE GABILEY

Labada Wariye ayaa damaanad kaga soo baxay Jeelka Gabiley oo ay ku xidhnaayeen.Xukumadda ayaa Wariyeyaasha ku Eedaysay War been abuur ah inay faafiyeen,balse xadhigoodu waxa uu ka dambeeyay markii ay baahiyeen war ku saabsan Dad gubaya Calanka Xisbiga Kulmiye iyo in Xisbiga Kulmiye aanu haysan Kalsoonida iyo taageerada Shacbiga Gabiley.

Xukumadda ayaa Cambaarayn tiro badan kala kulantay Xadhiga Wariyeyaasha,iyadoo ah Xukumaddii xidhay wariyeyaashii ugu tirada badnaa.Ururka Solja ayaa sheegay in tirada Wariyeyaasha iyo Xarumaha warbaahinta ee Xukumaddani xidhay hadda ku dhaw yihiin Saddex boqol(300).

COMMENTS
LINKS