|
|||||
WAJAALE NEWS
Kalfadhigii Golaha Wakiilada Oo Dib U Dhacay iyo Shir Gudoonka Oo Ka Hadlay Sababta
November 8, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews);Kalfadhiga 26-aad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ku muddaysnaa inuu maanta furmo ka dib fasax Goluhu ku maqnaa ayaa mudo todobaad ah dib loo dhigay.Shirgudoonka Golaha ayaa sheegay in sababtu tahay in si loo dhamaystiro hawlo ka qabyo ah hawlaha shaqo ee Kalfadhiga. Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay dib u dhaca Fadhiga Golaha“Waxaa muddaysnaa in la furo Kalfadhiga 26-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Maanta oo sabti ah,waxaanu Shir gudoon ahaan isla garanay in dib loo dhigo kalfadhiga mudo hal todobaad ah si loo dhamaystiro hawlaha Kalfadhiga la qabanayo iyo qorsheyaashiisa” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Gudoomiyaha Wakiilada oo la waydiiyay in dib u dhigista furitaanka Golaha uu ku lug leeyahay Khilaafkii dhawaan golaha soo kala dhex galay waxa uu ku jawaabay “Khilaaf baajiyay ma jiro laakiin,sidii aanu hawsha qorshaheedii u samayn lahayn ayuun baanu shir gudoon ahaan isla garanay in Afar maalmood dib loo dhigo,waxaanan idiin xaqiijinayaa in Kalfadhigu si caadi ah u furmi doono sabtida soo socota”i Go’aanka Shir Gudoonka
Related posts:DAAWO; “Baarlamaanku Wax way Qabteen Oo Ma Wada Dafirayno, Laakiin Hawshii aynu ka Rabnay 12-sano Ee... DAAWO;-Fanaanada Sahra Halgan Oo Ku Baaqday In Dhagax Lagu Dilo Qofka Gudaha Somaliland Lagu Arko Is... AGAASIMAHA MAAMULKA LACAGTA EE WASAARADA QORSHAYNTA CISMAAN JAAMAC OO HANTI DHAWRKA GUUD KUSOO SAARA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|