Ka Hortagida Cudurka Ebola Guul Ayay u Tahay Dalka Iyo Dadka;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ka Hortagida Cudurka Ebola Guul Ayay u Tahay Dalka Iyo Dadka;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi
November 9, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waxaan salaamaya dhamaan umada afka soomaaliga ku hadasha gaar ahaan shacabka reer somaliand siiba gaar ahaan akhristayaasha maqaalkan, Waxaan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo maqaal yar oo kooban kaas oo ku saabsan ka hortagida cudurka Ebola ALLE inaguma keenee, Sidaad wada ogtihiin cudurkan oo ah mid dilaaya isla markaan   ku faafay wadamo ka tirsan geeska Afrika, Waxaa la ogaaday cudurkan in uu yahay mid si yar lagu kala qaad karo si yarna ku gudbi kara isla markaana ay haboontay in laga hortago si lo dabar gooyo cudurka, Waxaad la socotaan in uu cudurkan Ebola uu gil gilay wadamo badan kuwaas oo ka tirsan qaaradeenan geeska Afrika kuwaas oo uu dilay dad tiro lahayn, Wadamo badan oo caalamka ka tirsan ayaana wali xad u samayn sidii ay cudurkan dalkeeda iyo dadkeeda uga duwi lahayd, Dawlada Somaliland waan ugu Hambalyaynayaa sida ay ugu dadaaleyso sidii ay xad ugu samayn lahayd ama uga hortagi lahayd cudurka Ebola Runtii waa waxqabad iftiin u ah dalkeena iyo dadkeena, Taasna waxaynu ku gaadhnay waa wada shaqeynta ka dhaxaysa shacabka iyo dawlada oo hiil iyo hooba isla garab taagan, Waxaa jira dad badan oo aad is odhan karto marka ay hadlayaan malaa kuwan waxayba diidan yihiin in wadanka wax loo qabto, Waayo maaha in aad dawladaada wax kasta oo afkaaga ka soo bixi kara ku tidhaa waa inaad kala garataa hadalka dawlada ku haboon iyo ka aan ku haboonayn, Marka aad hadal jedineyso ama aad warbixin ka jawaabayso hubso waxan in uu yahay wax dhib ku ah dalka iyo dakaba, Waa inaad iska illaalisaa waxa aad is leedahay kan dhib ayuu soo wadaa,

 

Dadkeena waxaa jira dad badan oo inta ay tvga hadal yar oo malaa yacni ah la soo fadhiistaan iyagoo dawlada ama mucaardka cambaaraynaya, Kuwaas oo hadhawna yidhaa waxaanu ka raali galinaynaa hadalkii dhawaan ka soo yeedhay habal ama hablaayo, Waa maxay sababta hadal uu qof yidhi mid kale raali galin uga bixiyaa? Mee kii hadalkan yidhi ee markii hore iska hubsan wayay waxa uu ku hadlaayo in uu sax yahay iyo in uu khalad yahay, Anigu waxaan odhan laha waryaadhaheen walala.yaal ka waynaada nin wayn oo oday ah oo hadal dadka iyo dalkaba meel kaga dhacaya la soo fadhiisanaaya shaashada tvga, Dadka waawayn ee hada dalka u talinaaya marka ay maanta waxan ku dhaqmaan ee ay wax malaa yacni ah isku eryadaan, Bari barbaarta waddanka u soo kacaysa maxay iyaguna samayn doonaan? Maxayse dadka ku dhaliili doonaan ma horumarka mise dibu dhaca? Maxayse ku dhaqmi doonaa miyayna noqoneyn kuwa talaabadan iayaguna qada iyeen manta waad aragtaa oo waa kuwan kuwii ay wax kaga dayan lahaayeen waxaas sameynayee, Marka aad tahay mucaarid ee aad rabto inaad wax u sheegto Dawlada isla markaana aad rabto in aad u cadayso meelo ay iska indho tirtay, Lugahaaga intaad ugu tagto u sheeg una iftiimi halka aad rabto in waxa laga qabto adiga oo markaa matalaaya shacabka, Hana noqon qof ka soo hor jeeda ama wax xun ka sheega horumar ay dawladu u samaysay shacabkeeda isla markaa ku bogaadi oo ku dhiiri gali sidii ay uga sii kordhin lahayd dadaalkeeda iyo hadafka ay leedahay, Midna waxaan odhan lahaa dhalinyarada iyo barbaarta dalka waxaan leeyahay dhalinyarooy, Manta kuwa khaati laga taagan yahay waa idinka kuwa hooyooyinkii ka oohinayaa waa idinka kuwa laga qayliyay waa idinka, Dhalinyaroow waxaad u qayb santeen laba isla markaa waxad u kala jabteen bari iyo galbeed, Markii hore waxaa laga qayliyay dhalintii oo ku yaacaysa tahriib isla markaana uu aafeeyay tahriibku kuwaas oo kuwii tahriibay ay u kala qaybsameen sadex, Kuwaas oo kala ah kuwo bada ku madhay oo uu bada iyo yaxaasku dhameeyay iyo qaar lagu ugaadhsado oo ah adoomo la guumaysto, Halka ay kuwa kalena ay noqdeen kuwa inta ay yurub galeen isla markaana ku baada’ay qurbaha ee ka tagay hidihii iyo dhaqankii ay lahaayeen, Isla markaa raacay diriiqii gaalada iyo kaafirka runtii waa wax laga xumaado inta dhalin ku baaba’ay qurbaha, Inta hooyo leh waxaa ii maqan wiilkeygii ama waxaa dibada ii joogta inantaydii hada waa dad baaba’ay oo meel baas maray, Hooyo ama Aabo hadaad leedahay waxaa ii maqan wiilkaygii ama inantaydii ma ogtahay xaalada iyo nolosha ay ku noshay inantaadu ama wiilkaagu? Mase la socotaa sida uu dhaqankoodu yahay sidee bay bulshada ugu dhex noolyihiin, Waxaa is waydiin mudan in uu waalidku ogaado halka u ilmihiisu ku sugan yahay iyo sida hadba uu yahay dhaqankoodu, Haddii aan u soo daadago dhalinta iyagu ku hadhay waddanka waxay noqdeen shufto laga qayliya kuwaas oo jid gooyo u noqday hablihii magalada, Haday mobil ka qaadaan waa sahaal laakin waxay ku xumaadeen ta ay wax ka wayaan waxay isku raacayaan in ay u dhameeyaan oo ay dilaan ama ay dhaawacaan, Midna waa ta kale waxay odhanayaan waxaan dhigaynaa mudaharaad isla markaana waanu banan baxaynaa, Dadku in ay mudaharadaan lama diidana oo taasi maaha wax cusub balse waa mid ka dhacda waddamada caalamka oo dhan laakiin waxay leedahay nidaam loo maro, Miyaad maqasheen dad inta ay banan baxaan odhanaaya waxaanu bur burinayaa baabuurta dadka iyo waddooyinka, Bal waayahay ee dhulkan aad bur burinysaa ee aad ku tumaynsaan miyaanu dalkaagi ahayn ma dawlada ayaa leh baabuurtan aad gubaysaa miyayna hantidii shacabka ahayn ee bari loogu shaqayn lahaa, Anagu waxaanu naqaaney dad inta ay yidhaah daan waanu mudaharaadaynaa inta ay boodhadh qaataan oo aayar oo nabad galyo ku dheehantay ay wadada maraan isla markaana aan horseedin dhib iyo rabshad, Laakiin dadkeena waxaan kala garan waayay inay jaahil nimo ka tahay iyo in ay ugu talo galeen, Waar xataa ma waxad aragteen dad la dagaalamaya ciidankii booliska ee loogu tala galay in ay nabad galyada sugaan oo marka aad difaacii dalka la dagaalanto xageed ku socotaa, Ciidanka qaranku waa tiirka koobaad ee nabad galyada sugaya ILLAHAY STW ka sako markaa in aynu illaashano moyaane in aynu la dagaalo inagama mudna, Waxaan leeyahay dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan aynu dawladeena la garab qabano dadaalka ay waddo iyo horumarka aynu gaadhney, Maanta farxad ayay inoo tahay in safiirada inooga yimaada waddamada caalamka aynu ka hor tagno si aynu uga baadhno cudurka Ebola, Dhamaanteen aynu gacmaha is qabsano horaa loo yidhi gacmo wada jirbay wax ku gooyaan markaa ayaynu gaadhi karnaa guuusho ugu wanaagsan, Intaas ayaan ku soo koobayaa maqaalkan kooban ee aynu kaga hadlaynay ka hor tagoda cudurka ebola Waa bilaahi tawfiiq,

 

Nimco Baashe Cabdi

 

Caashaqa555@hotmail.com

 

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS