Jarmalka Oo Maanta Siwayn Looga Dabaaldegay Jabinta Dayrkii Baarliin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalka Oo Maanta Siwayn Looga Dabaaldegay Jabinta Dayrkii Baarliin
November 9, 2014 - Written by Editor:

Berlin:(Wajaalenews)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 9-Ka Bisha November, waxa dalka Jarmalka looga dabaal degayaa 25-Guuradii Kasoo Wareegtay Maalintii La Burburiyey Dayrkii Kala Qaybin jirey Labadii Jarmal ee Bariga iyo Galbeedka.

jarmalka

Dalka Jarmalka Gudihiisa Maalintani waa Maalin la qabanayo riwaayado, xaflado jidka ah iyo carwooyin, waxana ay ka Bilaabmeen Raiisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, oo Ubax dhigtay kaniisada lagu qabanayo xus dadkii ku dhintay waqtigii dowladii hantiwadaaga ee bariga Jarmalka.

Waxaa munaasabada ka qaybgalaya Madaxweynihii hore ee Ruushka Mikhail Gorbachev, iyo hogaamiyihii hore ee ururka shaqaalaha Poland Lech Walesa.

Maaalintani waxay farxad u tahay dhammaanba dadka Jarmalka, waxana isla maalintan dib u modoobay Boqolaal dad ah oo ku kala irdhoobay dayrkaa muddada dhisnaa ee Dalka Labada daamood u kala qaybiyey oo aanay cidina ka Gudbi jirin.

 

COMMENTS
LINKS