Jamaalow ! Taag uma hayno waa laxankii iyo erayadii madaxwaynaha jamuuriyada somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jamaalow ! Taag uma hayno waa laxankii iyo erayadii madaxwaynaha jamuuriyada somaliland.
November 6, 2014 - Written by Editor:

Siyaasi, xildhibaan, aqoonyahan iyo dhamaan warbahinta karaamada iyo sharafta mudan waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka asalaamucalaykum.

salaan ka dib waxaan maanta dalkeena ku soo badanaya ama aad arkaysaa in lagu qadhaabto magaca siyaasi sida Jamaal cali xuseen oo kale.

jamaalow maaha siyaasada dalku buugii aad dadwaynaha kaga qoslinaysa fagaarayaasha, qofka siyaasiga ahi waa qof deganaan iyo maskax ka buuxdo maaha in aad karaamada iska qaado, ood ku mashquushid laxan saarka heesaha.

qarankan aan maanta aynu ku noolnahay maaha qaran nin heeso ku mashquulsan uu hogaamin karro.

qaranka waxaa hogaamin kara oo xilkiisa iyo horumarintiisa ka shaqayn kara nin dalkan fahansan oo og dhibta iyo rafaadka loo soo maray sidii loo nabadayay iyo sidii ay bulshadu nabad ay ugu seexan lahayd, Ee ma aha in aad ku baraarugto maalinta masiibooyinka alle ay meel qabsadaan in aad u rogto wax kasta in ay xukumada talada haysa ee uu gadh wadeenka ka yahay axmed maxamed maxamuud silaanyo.

waxan maalin dhawayd la yaabay Jamaal oo leh xukumadu ha ka dayso bakhaarada ay ka gubayso wajaale, aqliyan marka la eego Jamaal mah aha nin hogaamin kara dalkan iyo dadkan, xukumaduna jamaalow iyadaa kaa jecel dalkan iyo dadkan oo ay codkooda ay ku imaadeen ee ama laxanka iska saar heesaha ma dhaqankii iyo karaamadii siyaasigu lahaa la kaalay .

ALLAA MAHAD LEH

Deeqa jaamac

Deeqa.luulacaday@gmail.com

Australia

COMMENTS
LINKS