|
|||||
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Oo Sheegay In Khilaafkii Golaha Wakiiiladda Lagu Dhameeyey Qoddobadii Lagu Muransanaa Oo Uu Guddoomiye Cirro Dib u soo Saxay
November 3, 2014 - Written by Editor:Hargeysa:(Wajaalenews)-Hoggaanka sare ee Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xafiiskiisa, ayaa sheegay in khilaafkii Golaha wakiillada soo dhexgalay la dhameeyey kadib markii la saxay Qoddobo uu Guddoomiye hore si khalad ah ugu Gudbiyey. Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo arrintaas ka Hadlay ayaa ugu horrayn dhaleeceeyey Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in Buuqoodu yahay mid aan Go’ayn oo dhawr Goor soo noqnoqday, “Baarlamaan ba haddaad arago waa meel rayigu is jiidhayo oo mar walba buuq iyo qaylo ka taagan tahay.haddaanu doodayn oo maalin walba danta qaranka laga wada hadlayn Baarlamaankaasi wuu dhintay.Baarlamaanku wuu naga madax banaan yahay,waa gole qaran,Xisbiyada oo dhan baa doortay ,halkaas buu iskugu yimid waana la dhaariyay,waxayna u dhaarsan yihiin danta qaranka”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi. Gudoomiye Muuse Biixi,waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Wakiiladu saxay khalad keenay khilaafka Golaha wakiilada oo ku jiray Xeerkii diwaangalinta “Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii maanta uu soo Ururay khilaafkaasi oo Gudoomiyihii wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani uu khaladkii Xafiiskiisa ka baxay saxay.waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ahi ka dhega adaygeen waliba ku dareen gardaro iyo aflagaado badan inuu saxay,waanuna soo dhaweynaynaa,waxaanuna u aragnaa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waa intaynu umadda dheernahay,waana sida Somaliland ku soo caano maashay” ayuu yidhi Gudoomiye Muusue Biixi.
Hadalka kasoo yeedhay Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa kusoo Beegmaya xilli shalay uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu sheegay inaanu jirin wax xeer ah oo Xafiiskiisa ka Baxay oo uu ku saxay khaladkaas la sheegayo.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Siyaasi Cabdi Haybe oo Ku Baaqay In Gurmad Lala Gaadho Shacabka Gobalka Hawd oo Ay Biyo Yaraani Hays... Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo Sheegay In Aanay Xukuumada Madaxweyne Biixi Khibrad U Lahayn Keenista S... Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in Dr. Macow uu buuxin waayay shuruudihii caafimaad ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|