Heshiis iskaashi oo dhex maray jaamicada abaarso tech university iyo ururka shaybaadhiistayaasha somaliland ee somla. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiis iskaashi oo dhex maray jaamicada abaarso tech university iyo ururka shaybaadhiistayaasha somaliland ee somla.
November 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 20 November 2014, waxa heshiis iskaashi wada galay jaamacadda ABAARSO TECH (ATU) iyo Ururka Shaybaadhiistayaasha Somaliland ee SOMLA(Somaliland Medical Laboratory Association).Heshiiskaas oo shaqayndoona mudo shan sano ah oo ka dhacay xafiiska SOMLA. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen Horumarinta iyo tayaynta adeega iyo xirfada shaybaadhka Somaliland.

7

Gudomiyaha ururka SOMLA, Khader Ibrahim oo Xafladii heshiiskaas ka hadlayay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ururkooda uga go ‘an tahay horumarinta adeegyada shaybaadhka iyo kobcinta aqoonta shaybaadhiistayaasha waxana uu yidhi; “waxa aan ka warqabnaa xaalada uu ku sugan yahay shaybaadhka Somaliland iyo Tayada shaqaalaha ka howl gala goobaha shaybaadhka. Waxa naga go’an in aan adeega iyo aqoonta shaybaadhkaba ka dhigno mid la jaanqaadi kara aduunka casriga ah. Sidaas ay taas u hirgasho waxa lagama maar maan noqotay in aan iskaashi lasamaysano daneeyayaasha shaybaadhka oo ay ka mid yihiin jaamacaddaha iyo macaahidda caafimaadka ee lagu barto shaybaabdhka, taasina waa ta keentay in aanu maanta heshiis la galnay Jaamacadda Abaarso Tech si aanu iskagga kaashano hor’umararinta adeegyada shaybaadh ee loo fiddiyo bulshadda Somaliland.

Waxaa isaguna halkaas ka hadaly Gudomiyaha Jaamacada Abaarso Tech, Dr. Ahmed Xuseen Cise, isago aad u soo dhaweeyay heshiiska ay jamacadiisu la galayso ururka shaybaadhistayaasha Somaliland. Dhakhtar Axmed Xuseen Cise waxaa si balaadhan u faahfaahiyay faa’iiddada iskaashgu lee yahay iyo in aanay suuro gal ahayn gaadhista u’jeedooyinka iyo higsiga u adeegida bulshada Somaliland haddi aan la is kaashan gacmahana lays qabsan. Isaga oo arinta ka hadlaya waxa uu yidhi dhaktarku ‘qofna kalidii waxba ma qaban karo haddi aanu iskaashi la samayn ciddii markaas ay hawl wadagaa leyihiin’,. Dhaktarku wuxu intaas ku daray in ay Jaamacaddisu diyaar u tahay in ay iskaashi la samayso ururada mihnaddlayaasha caafimaadka sida SOMLA oo kale ah iyo mihnaddaha kale ay jamacadu danaynayso.

Waxa kale oo isna xafladaasi ka hadlay Madaxa Arimaha waxbarashada ee Jaamicada Abaarso Tech , Mudane Ahmed Ismail Abdi; waxana hadaladiisii ka mid ahaa; “hadii aanu nahay jaamicada Abaarso Tech (ATU) waxaanu ku faraxsanahay in aanu wada shaqayn la yeelano ururka shaybaadhayaasha Somaliland ee SOMLA. Mudane Ahmed isaga oo ka hadlaya Abaarso Tech waxa uu yidhi ‘ Jaamicadayadu waa mid aqoon dheer iyo takhasus leh.waxyaabaha aanu bixino waxa ka mid ah barashada shaybaadhka waana halka aan SOMLA iska soo galayno’. Masuulku wuxuu intaas ku daray in Abaarso Tech iyo ururka shaybaadhitayaasha Somaliland iskaashi ka yeelan doonan hor u marinta adeegyada shaybaad ee dalka.

Gabagabadii xafladaasi waxa la isla qaatay meelaha ay ka wada shaqayndoonaan labada dhinac; waxana ka mid ah: cilmibaadhista,kobcinta aqoonta shaybaadhka iyo hor umarinta iyo tayaynta adeegyada shaybaadh ee ay bixiyaan xarumaha cafimaadka.

COMMENTS
LINKS