Hargeysa: Ardaydii Iskuulada oo Saaka ku Habsaamay Wadooyinka oo Boolisku ku Hor istaageen Basas-kii.waa maxay sobobtu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Ardaydii Iskuulada oo Saaka ku Habsaamay Wadooyinka oo Boolisku ku Hor istaageen Basas-kii.waa maxay sobobtu.
November 15, 2014 - Written by Wariye:

Ethiopian police stop journalists taking pictures in Addis Ababa

Hargeysa(Wajaalenews)-Xiisada ka taagan  Golaha Wakiilada ayaa saamayn ku yeelatay Ardaydii u kalihi Jirtay iskuulada Gaarka loo leeyaay oo inta ugu badan Ardayda Reer Hargeysa ay dhigtaan, taasi oo ay subaxda Hore qaadaan Basas loogu talo galay.

Waxaad saaka Subaxnimadii hore arkaysay Basaska oo Xaafadaha dhex wareegayey kadib markii loo diiday inay maraan Jidka halbawlaha ah ee isku xidhay qaybaha muhiimka ah ee magaalada kaasi oo la soo dhoobay Ciidan Booliis ah oo la sheegay inay ilaalinayaa Xarunta Golaha Wakiilada oo ay Xiisad adagi ka taagan.

Ardayda ayaad arkaysay iyaga oo mararka qaar intay Baska isaga degeen lugaynaya si ay Jidka loo diiday Lug ugaga talaabaan hase yeeshee loo diiday kana Habsaamay iskuulkii waxay ahayd, maaha ardayda u kalahayey iskuulada oo kaliya balse waxa ay saamayn ku yeelatay isku socod kii gaadiid oo aad arkaysa subaxdii saaka shaqaalihii u lugaynaya Xafiisyada ka ag dhaw Agaarka Gobolka ilaa Dhakhtarka Wayn ee Hargeysa.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS