Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn
November 15, 2014 - Written by Wariye:

boobe yusufMeesha kale ee laga dheehan karo wax-qabadka Xukuumaddan daandaansiga badani waa Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa ee ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay.

 “Dantu waxay u baahneyd,

  Duco-qabe la mahadshiyo,

  Odey Beela-daaje ah,

  Iyo hanad Ma-daale ah,

 

  Dantu waxay u baahneyd,

  Door iyo wax-garad haga,

  Hayin biyo-ma-daadshe ah,

  Marna geesi daafaca,

 

Dantu waxay u baahneyd,

Nabarrada damqanayaa,

Doog iyo ladh keenee,

Mid daweeya boogaha,

Dakharrada sabool dhaya,

Dantu waxay u baahneyd,

Dihnigii galaydhkiyo,

Dareen galaw mid yeeshoo,

Daakiraada sara kaca,”

Maansadii Garbo-diir ee Axmed Aw Geeddi, 17/1/2014ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,  www.dharaaro.com

15/11/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Meesha kale ee laga dheehan karo wax-qabadka Xukuumaddan daandaansiga badani waa Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa ee ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay. Car bal waa cidda sheegta halka uu ku dambeeyay iyo cidda ku hawl-gasha ee

warbixin ka samayn karta. Ma la odhan jiray :”Car waa cidda baabbacadaa timo ku aragta,” waa taas oo kale oo buuggaasina sidii loo daabacay halkii la dhigay maalintaas, cidi kama soo qaadin. Sidaas ayaanay Xukuumaddani uga sheekayn karin waxay qabatay iyo wixii u qorshaysnaa. Annaguna wax-qabadka ay Xukuumaddii sheeganaysay ka sheekayn weyday, xil naga saarani ma jiro. Iyadiyo nasiibkeed.

 

Xukuumaddeenna abaal-daran, waxa laga rabaa in ay ahmiyadda siiso arrimaha nabadgelyada iyo dhismaha Hay’adaha Qaran. Xaqiiqadu waxay tahay wixii ay ku faantaaba in uu yahay dhismo maaddiya iyo derbiyo horeba u dhisnaa oo la qurxiyay. Waa sida ay nala tahay, illeyn xogogaal ma nihin oo waa in ay Xukuumaddu ka warbixisaa waxay qabatay iyo waxa u dhiman e’.

 

Aynu dib ugu yar noqonno Qormadii gaabnayd ee Aadan Muuse Jibriil ee ku suntanayd:Runtu ma Fantaa, qaybteedii 3aad. Aadan wuxu qoray oo uu ballaysinkaa hore ku xigsiiyay:

 

“Arrinkan waxaa looga qiyaas-qaadanayaa sida loo abbaaro Istaraatajiyadda ama ujeeddada fog ee Geeddi-socodka nabadda iyo dimuqradiyadda oo aan kala go’i karin, waxaana saldhig u ah sua’aalahan soo socda.”

 

Bal hadda immikana su’aalo door ah oo uu Aadan Muuse Jibriil is-hordhigay aan xabbad xabbad u qaadanno oo wax aan badnayn oo faallo iyo falanqaynba ah aan raacinno:

 

    Doorashadii Dawladaha Hoose oo ahayd tan keliya ee Kulmiye qabtay si fiican oo xaq iyo xalalba ah, ma u dhacaday?

Su’aashaas ayuu Aadan is-weydiiyay? Jawaabtuna waxay noqonaysaa, xaq iyo xalaalba waa ay ka dheerayd. Ilaahay ayaa ina kala badbaadiyay, laakiin meel walba qaylo-dhaantu waa ay ka soo yeedhay. Ergooyinkii Komishanka Qaranka ee Gobollada iyo Degmooyinka u kala baxay, waxa laga daba-diray ergooyin Xukuumadeed oo Wasiirro iyo Xildhibaanno leh. Ilaa Madaxweyne-ku-xigeenkii dhammaa ee Jamhuuriyadda ayaa Seylac iyo Lughaya ka dhammaan waayay oo xataa magaalo-madaxdii Boorame haleeli waayay. Subxaan!

 

Xeel-dheereheennii Aadan Muuse Jibriil, wuxu qodobkaa hore ku lammaaneeyay oo dhigay:

 

    Hawl-wadeenkii Dawladda (National Civil Servant) ma lagu beddelay kaadirkii Xisbiga Kulmiye. Sidaas darteedna  qaddiyaddii dhismaha Hay’ahdaha dawladdu ma gashay wirq oodan oo sida dib looga soo saaro si looga dhigo hay’ado qaran ma adgkaatay, mar haddii la xisbiyeeyey shaqaalihii Dawladda?

 

Ma maqli jirteen hebel arrinkaa isha ayuu ka riday. Timacaddena waa kii lahaa : “Bu’daa lagu dhuftaa gabay haddaad, beegso leedahay.” Ma ta dhacday markii ay Xukuumaddani taladii dalka la wareegtay. Waxaynu naqaannay ama arki jirnayba, Madaxweyne xil iyo talo dalba la wareega oo kaadirka sare beddela. Waa curfi iyo xeer adduunyadu ka siman tahay. Ayaan-darrayooyinka Xukuumaddan aynu ka aragnay ayaa waxa ka mid ahaa sidii ay u xaaqday shaqaalihii dawladda ee ay meeshoodii ugu buuxisay, shaqaale hor leh oo sida lagu soo xushay mugdi iyo madow ku gedaaman yahay. Waxaan soo xusuustaa tuduc ku jiray Maanso uu lahaa Ibraahin-gadhle oo la odhan jiray: DURBA MIYAAD ILLOWDEEN.

Tuducaasina wuxu ahaa:

 

“Durba miyaad illowdeen,

  Madfacii la dirayee,

  Orodoo dadweynaha,

  Deydeyo la odhan jiray,”

 

Intan ay Xukuumaddan dalka ka talisaa xilka la wareegtay, taas oo kale ayaa dalka ka dhacday oo xaaladdii ayaa iska noqotay: “Orodoo meel lagu geeyo soo eeg eego.” Subxaan!

 

Bal hadda aan dib ugu noqonno oo u jalleecno Qormadii gaabnayd ee Aadan Muuse Jibriil oo aan daalacanno Qodobka 3aad ee uu ka hadlay, waxaanu qoray:

    Ma loo sii amba-qaaday dhinaca kala-xadaynta shaqada saddexda Gole Qaran, mise waa la isku sii dhejiyey oo la mideeyay?

Miyaan hore loo odhan: “Taana daayoo.” Waxba lama kala-xadayn ee dal iyo dadba waxa u taliyaa waa Fulinta oo aan waxba iskaga tirin Golayaasha kale ee ay awood-qaybsiga leeyihiin sida: garsoorka iyo Xeer-dejinta oo iyada murankeedii iyo muruggeediiba dhammaan la’ yihiin dalkuna ka tallaabsan la yahay. Golihii Guurtida ee inoo dhowrsoonaan jiray ee dal iyo dadba caymin jiray ayaa isagiina maanta murannadii dhinac ka noqday oo ku dhex milmay. Subxaan!   

 

(La soco Qormada 3aad maalinta Axadda, haddii Eebbe idmo)

COMMENTS
LINKS