Gudoomiye Cirro Oo Iska Difaacay in Xeerka Diwaangalinta Uu Qodobo ku kordhiyay kana hadlay xadhiga Suxufiyiinta Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Cirro Oo Iska Difaacay in Xeerka Diwaangalinta Uu Qodobo ku kordhiyay kana hadlay xadhiga Suxufiyiinta Gabiley.
November 2, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inaanu jirin wax khaladaad ah oo ku jiray Xeerka Diwaangalinta ee uu Guurtida u gudbiyay.

Gudoomiye Cirro Oo Xafiiskiisa Xarunta Waddani warbaahinta kula hadlay ayaa meesha ka saaray qodobo la sheegay inuu wax ka bedelay oo uu u gudbiyay Gudoomiye Saleebaan-ka Guurtida. Waxa uu sheegay inay jiraan laba qoraal oo hore oo labada gudoomiye Baarlamaan is dhaafsadeen,kuwaasi oo midi ahayd ta Guurtidu ku hakisay Xeerka diwaangalinta, takalena ta Cirro ugu jawaabay ay ahayd.

“Arintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku,Hore saxaafadu wax loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray Guddoomiyaha Golaha guurtida 16-kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada gole waraaqdii uu ii soo diray ayuunbaa uga jawaabay” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabayay warar warbaahintu baahisay oo laga soo xigtay Ilo wareedyo aan la sheegin.

 

Dhanka kalena Gudoomiye Cirro oo saxaafaddu wax ka waydiisay aragtidiisa ku aadan Suxufiyiin maalmihii u dambeysay ku xidhan Gabiley ka dib markii ay baahiyeen warar ku saabsan Calanka Kulmiye oo la gubay

 

“Waxaan Xukuumada Baaq ugu soo jeedinayaa in ay soo dayso Wariyaasha Ay xidhay ee ku sugnaa degmada gabiilay,ee ka shaqeeya saxaafada madaxa Banaan ee somaliland,Iyada oo la eegayo Madax Banaanida saxaafada lana ixtiraamayo,waa in Xoriyadooda lasiiyaa.” Ayuu yidhi Mr Cirro

 

Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu ku baaqay in la sii daayo Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Waddani oo shalay Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay todobo cisho oo rumaan ah, kuna eedaysan dhaliilo uu xukumadda iyo gudoomiyaha guurtida u jeediyay “waxaa kale oo aan xukuumadda u soo jeedinayaa in Xoriyadiisa loo soo celiyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga wadani oo laygu yidhi Jaraa’idka mid ka tirsan ayaa xidhay.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS